Madaxweynaha Dowaladd Gobaleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhusamareb ee Caasimadda Galmudug.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ugu soo dhaweeyay Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamanka Galmudug Mudane Cabdullahi Xirsi, qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirada galmudug, Maamulka Caasimadda iyo masuuliyiin kale.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa in Mudda ah ku sugnaa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxuuna Ujoogay Xal u helida Muranka Doorashada Soomaaliya.
Ad