Home Wararka Somaliya Madaxda barnaamijka dhaqancelinta isisoo dhiibayaasha “DRP”oo Booqday Ciidamada Xooga Dalka ee ku...

Madaxda barnaamijka dhaqancelinta isisoo dhiibayaasha “DRP”oo Booqday Ciidamada Xooga Dalka ee ku Sugan dhusamareeb(Sawiro)

0

Madaxda barnaamijka dhaqancelinta isisoo dhiibayaasha “DRP” oo ah Barnaamij loogu talo galay in lagu soo dhaweeyo dhalinyarada kasoo baxda kooxda Alshabaab si loogu sameeyo nolol kaduwan tii hore ee ay kujireen si loo fahamsiiyo dowladnimada, ayaa maanta kormeeray xarumaha Ciidamada Xoogga dalka ee Magaalada Dhuusamareeb.

Kormeerkan oo uu hoggaaminayay agaasimaha barnaamijka qaran ee dhaqancelinta Salad jilicow ayay qayb ka ahaayeen, madaxa soo dhawaynta isi soo dhiibayaasha Col Osoble, agaasime kuxigeenka xarunta dhaqan celinta xarunta Serindi muqdisho Abdalle Jaraid, madaxa sare ee hay’ada Accept international Yusuke Nagai iyo agaasimaha barnaamijka dhaqan celinta Galmudug Abdirahman Mohamed Ali.

Mas’uuliyiintan ayaa Ciidamada iyo saraakiishooda u sheegay in looga fadhiyo sidii ay ugu dadaali lahaayeen fududeynta in isisoo-dhiibayaashu nabad iyo badqab kusoo gaaraan xarunta Dhaqan celinta Galmudug ee shalay laga furay Magaalada Dhuusamareeb.

Ad
Previous articleDalka Kenya oo Lagu la’yahay Ganacsade Somali ah Mudo Todobaad ah
Next articleSheekh Shariif oo ka hadlay amarkii General Odawaa uu siiyay ciidamada xoogga dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here