Home Wararka Maanta Madar Xasan oo Si arxan Dara ah loogu Dilay Dalka Canada

Madar Xasan oo Si arxan Dara ah loogu Dilay Dalka Canada

0

Wararka ka imaanaya magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa sheegaya in muwaadin Soomaaliyeed halkaasi lagu dilay, sidoo kale lagu dhaawacay labo nin kale oo la socotay ninka la dilay.

Booliiska dalka Canada ayaan wali shaacin dhalashada labada nin kale ee weerarkan lagu dhaawacay iyo halka ay kasoo jeedaan dadka lag tuhmayo weerarkan, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in mid kamid ah raga la dhaawacay Soomaali yahay.

Wiilka Soomaaliyeed ee toogashada lagu dilay oo lagu magacaabayay Madar Xasan oo 21 jir ahaa ayaa lagu toogtay goob laga dukaameesto oo kutaalla Toronto, waxaana wiilkan dhoor xabadood ku dhuftay kooxo hubeesan oo weerar gaadmo ah kusoo qaaday.

Booliiska Toronto oo si deg deg ah uga howlgalay goobta toogashada ka dhacday ayaa soo xiray labo wiil oo Soomaali ah oo weerarkan lagu tuhmayo, waxa ayna booliiska ka codsadeen dadkii ka agdhawaa goobta in xog siiyaan si dambiilayaasha loo aqoonsado.

Toogashadan ayaa imaaneysa xilli todobaadkii hore wiil kale oo Soomaali ah oo lagu magacaabayay Usaama Ibraahim lagu dilay magaalada edmonton , waxaana sii kordhaya dilalka dhaloinyarada Soomaaliyeed loogu geesanayo dalka Canada.

Ad
Previous articleRoobab Lagu Diirsaday oo Xalay Miray Deeegaano Badan oo ka Tirsan Galmudug Xili Maantay Laga wada Soomanyahay Galmudug
Next articleGolaha Wasiirrada oo la horgeeyay Warbixin la xiriirta Dhibaato Culus oo Mudo ka taagan Muqdisho (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here