Home Wararka Maanta Madaale oo Xili Habeen ah Tagay Suuqa Bakaaraha Oo Mashquul Xoogan ka...

Madaale oo Xili Habeen ah Tagay Suuqa Bakaaraha Oo Mashquul Xoogan ka Socday(Sawiro)

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay kormeer shaqo ku tagay Suuqa weyn ee Bakaaraha, si uu ugu kuur-galo isbadalka dhinaca amniga iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee suuqaasi ka jira xilliyada habeenkii.

Kormeerkaan oo ay Duqa Muqdisho ku wehlinayeen maamulka degmada Howlwadaag, Saraakiisha Laamaha Amniga iyo xubno kale, ayaa waxa uu mid mid u dhageystay shacabka usoo dukaameysi tagay Suuqa iyo qaar ka mid ah ganacsatada, kuwaasi oo ka warbixiyay isbadalka amni iyo kobaca ganacsi ee ka jira Suuqa.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka iyo ganacsatada in ay la shaqeeyaan laamaha amniga si loo xoojiyo amniga guud ee caasimadda.

Shacabka Muqdisho ayaa si aad ah ugu dukaameysanaya Suuqa Bakaaraha iyo Suuqyada kale ee magaalada Muqdisho xilliyada Habeenkii, maadaama lagu jiro 10-kii ugu danbeeyay ee Bisha Ramadaan, iyadoona la isku diyaarinaayo u diyaar garowga maalmaha Ciida.

Ad
Previous articleNISA oo Gacanta Ku Dhigtay Alshabaab Qaraxyo Watay
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh iyo Qoor Qoor oo Maantay Gaaraye Furimaha Dagaalka Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here