Home Wararka Maanta Madaale oo Amaro Culus Duldhigay Hotelada Magaalada Muqdisho

Madaale oo Amaro Culus Duldhigay Hotelada Magaalada Muqdisho

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo shir jaraa’id qabtay ayaa soo saaray amaro ku socda shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku aadan bisha Ramadaan iyo hab-dhaqanka bulshada.

Guddoomiye Madaale ayaa amar ku bixiyey in maqaayadaha ku yaalla Muqdisho aan la furi karin maalintii inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, isagoo ciidamada booliska faray inay si adag ula dagaalamaan masoomeyaasha.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay xafladaha iyo aroosyada, wuxuuna sheegay in habeenkii wixii ka dambeeya 12:00 am aysan sii furaa karin hoteelada lagu dhigo aroosyada.

“Laga bilaabo maanta, hoteellada lagu dhigo arrosyada inay sii furaadaan 12:00 am wixii ka dambeeya waa mamnuuc, amarkaasi wuxuu sii jirayaa ilaa inta aan joogno,” ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay xoolaha lagu soo dhex daayo magaalada, isagoo digniin kama dambeys ah u diray dadka iska leh xoolaha dhex jooga caasimadda.

“Muwaadin xoolahaaga ama meel ku xareyso ama baadiyo geyso, laakiin maanta kadib ma ogolaa karno inay laamiyada noo jiiftaan, hadii aad cesha weysaan u dul qaata hadhow go’aanka aan ka gaari doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Madaale.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ka hadlay maan-dooriyaha isagoo sheegay in tukaankii lagu dhex arko daroogo uu burburi doono maamulka gobolka Banaadir.

“Daroogada iyo kalaabyada lagu tunto inay magaaladaan ka sii jiraan aad ayaan u diidanahay,” ayuu yiri duqa Muqdisho oo ka sheekeeyey waxyaabo uu soo arkay habeen uu tegay hoteelada lagu tunto ee Muqdisho ku yaalla.

“Habeen ayaa Hotelka Boosh ugu galay qof qaawan oo wax dhar ah aan waday, wiilashii ila socday ayaa damcay inay sawiraan, waan ka celiyey oo lama sawirin, masuulkii inta meel soo istaaga dadkaas difaaca, muxuu ku difaacayaa, ma ogyahay horta waxa meesha ka socda?” Ayuu yiri guddoomiye Madaale.
Ad
Previous articleXasan Shiikh oo shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday laba arrin oo muhiim ah
Next articleItoobiya “Dowladda Soomaaliya way dafirtay wanaagii aan u samaynay Soomaaliya, halka shacabka Soomaaliya ay u mahad-celinayaan ciidamada Ethiopia,”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here