Home Wararka Maanta Madaale oo Amar kusoo rogay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir

Madaale oo Amar kusoo rogay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, kaasi oo loogu hadlay dar-dargelinta Howlaha Degmooyinka iyo Qorshayaasha hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir sanadka nagu soo fooda leh ee 2024.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ka warbixiyay isbedalka Amni ee ka jira Gobolkaan Banaadir.

Wuxuu Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada kula dar-daarmay xoojinta Amniga Caasimadda, la dagaalanka maandooriyaha iyo in la isku xero bulshada iyo laamaha Amniga si loogu hortago wax weliba oo liddi ku ah Amniga.

Ugu danbeyn Duqa Magaalada Muqdisho ayaa faray Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir in si wadajir ah loogu shaqeeyo Nadaafada iyo Bilicda Caasimadda, isla markaana la iskula xisaabtami doonno gaabis weliba oo ku yimaada adeegyada loo haayo bulsho Caasimadda.

Ad
Previous articleCiidanka Xoogga oo fuliyay howlgal AS looga saaray dhul Beereed
Next articleAxmed Cabdiraxmaan oo Nairobi kusoo Dilay Maxamed Xasan oo Muqdisho lagu Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here