Home Wararka Somaliya Madaafiic culus oo lagu garaacay xarunta Madaxtooyada iyo Dagaalka oo ku fiday...

Madaafiic culus oo lagu garaacay xarunta Madaxtooyada iyo Dagaalka oo ku fiday Muqdisho

0

Dagaalka caawa ka socda magaalada Muqdisho ayaa kusii fidaya degmooyin hor leh oo katirsan gobolka Banaadir, dagaalka ayaana u dhaxeeya ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo iyo ciidamo kasoo horjeeda mudo kororsiga Farmaajo.

Sida aan wararka ku helnmay dagaalkii ka socday degmada Hodan gaar ahaan guriga uu degan yahay Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku dhaw Madaxtooyadii Cabdi Qaasim ayaa hada xoogaa qaboobay, waxaana wali aagaasi ka dhacaya rasaas goos goos ah.

Ciidamo kale oo katirsan mucaaradka kana soo horjeeda mudo kororsiga dowlada ayaa weerar ku qaaday Isgooska Sayidka ee laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana agaaasi ka dhacay rasaas mudo kooban socotay.

Waxaana agagaarka Sayidka iyo xaafadaha ku dhaw dhaw ku sugan ciidamo badan oo hubeesan kuwaa oo kasoo horjeeda mudo kororsiga Farmaajo , ciidamadan ayaana difaac kaga jira agagaarka Dabka , Hotel Wehliye iyo xaafado kale oo ku dhaw dhaw.

Dhinaca kale tiro madaafiic ah ayaa caawa  lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya , madaafiicdan ayaana la sheegay in Madaxtooyada ku garaaceen ciidamada Mucaaradka ee dagaalka kala horjeeda ciidanka dowlada.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa caawa aad u qasan, waxaana magaalada laga maqlayaa rasaas , isku socodka magaalada ayaana gabi ahaan xiran, waxaana meel walbo lagu arkayaa ciidamo hubeesan.

Ad
Previous articleMidowga Musharixiinta Dalka oo war kasoo saaray Dagaalada Muqdisho eedeyna u jeediyay AMISOM & dowlada Turkiga
Next articleWar Hada Ah: Ciidan taabacsan Mucaaradka oo la wareegay Xarunta Degmada Howl Wadaag iyo Goobo kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here