Maamule dugsi hoose oo ku yaalla gobolka Florida ee dalka Mareykanka, ayaa shaqada laga eryay, kaddib markii uu tusiyay ardayda wax-qabadkii sawir-qaadihii caanka ahaa ee Michael Angelo.
Farshaxanka ‘David’ ee ardayda fasalka 6-aad loo sheegay inay arkaan, waa taallada farshaxaniistihii caanka ahaa ee Michelangelo.
Shaqadan weyn ee farshaxanku waa mid ka mid ah shaqooyinka meel wanaagsan kaga jira dalalka Reer Galbeedka, soona noolaysay fanka xiligan casriga ah.
Michael Angelo, ayaa wuxuu ahaa Sawir-qaade, Gabayaa iyo Sawir-qaade, iyagoo sidoo kale uu ahaa farshaxan-yaqaan weyn oo noolaa qarnigii 16-aad ee Miilaadiga.
Wuxuu sawiray oo uu naqshadeeyey taallo loo yaqaan ‘David’ intii u dhaxaysay sanadihii 1501-1504.
Waalidiinta ayaa ka cawday taallada loo yaqaan ‘David’, sababtoo ah xubinta taranka ee sawirka taalladan, ayaa aheyd mid muuqata.
Maamulaha, oo ay soo gaarsiiyeen cabashadooda saddex waalid, ayaa lagu qasbay inay soo gudbiso istiqaaladeeda.
Ardeyda ayaa waxaa taalladan lagu dhex tusiyey xiisadda maado ay baranayeen, oo ahayd “Rinjiyeynta iyo Farsamaynta farshaxanka”.