Waa subax Isniin ah dalka Ukraine,oo si caadi ah uu Fedir Shandor u galayo cshirrada dhanka Online-ka ah.
Ninkaan oo ah Barafsoor Jaamacadeed ayaa ardaydiisa cashirrada ku siinayay Online-ka tan iyo markii uu dunida ka dilaacay cudurka fayrska Karona, balse bilihii la soo dhaafay wuxuu ardayda cashirrada siinayay isagoo ku sugan jiidda hore ee dagaalka.
47- jirkaan ayaa go’aansaday inuu ku biro milatariga kadib duulaankii Ruushku ku qaaday Ukraine,balse wuxuu hamuun u qabay in ardaydiisu ay sii wataan waxbarashada.
Toddobaadkii laba mar ayuu bixiyaa cashirro ku saabsan dalxiiska iyo cilmiga arrimaha bulshada wuxuuna isticmaalaa telefoonkiisa.
” Waxaan macalin ahaa 27 sano. Hadda kama tagi karo waa waxa aan ku wanaagsanahay,” Â ayuu BBC-da u sheegay.
Mr Shandor ayaa ardayda wax baraya isaga oo ka mid ah milatariga tan iyo bishii Febaraayo oo ahayd markii Ruushku duulaanka qaaday
Sababta uu u saxiixay oo ciidamada ugu biiray ayaa ah inuu rabay inuu u dagaallamo dalkiisa oo difaaca xaaskiisa iyo gabadhiisa.
“Waa inaan joojiyo Ruushka ka hor intaysan iman gurigayga,” ayuu yiri.
U heellanaanta Mr Shandor ee shaqadiisa ayaa sidoo kale gacan ka geysatay kor u qaadista tirada ka qaybgalka.
“Xitaa ardaydii horey ay u dhaafi jireen xiisadaha, waxay soo xaadiraan khudbad kasta,” ayay tiri mid ka mid ah ardaydiisa, Iryna oo 20 jir ah. “Wuxuu had iyo jeer noo sheegay inay tahay inaan caqli yeelano, inaan u dagaalamayno ummad caqli badan.”
Balse wax barashada uu bixinayo macalin dhufeys ku jira ma sahlana oo waxay ku qasbanyihiin aradydu inay dhageystaan  dhawaqa madaafiicada ay is waydaarsanayaan labada dhinac .
“Intii lagu jiray fasalka, codad ayaa baxayay, ardayduna wax walba way maqleen. Dabadeed waxaan ku dhuuntay godad jeexdin ah si aan u sii wato waxbaridda,” ayuu yiri.
Xilliga uu bixinayo cashirrada wuxuu tusiyaa ardaydiisa firirka ku dhaca agagaarkiisa firirkaas oo ka dhasha madaafiicda kala duwan.
Casharrada Mr Shandor ayaa sidoo kale ah wax ugub ku ah saaxiibadiisa askarta ah eek u jira ciidamada, kuwaas oo inta badan la socda muxaadarooyinkiisa oo sawiro ka qaata isaga oo shaqada ku jira.
Mid ka mid ah sawiradaas, oo muujinaya isaga oo taleefoonkiisa ku haysta meel god ah, ayaa la soo galiyay khadka internetka, waxaana uu ku faafay Ukraine oo dhan. Tiro ka mid ah fanaaniinta dalka ayaa tan iyo markaas sameeyay sawir gacmeedyo macalinka ku saabsan.
Mr Shandor maaha macalinka kaliya ee hadda ka dagaalamaya jiida hore. Sida laga soo xigtay wasiirka waxbarashada ee Ukraine, Serhiy Shkarlet, ilaa 900 oo macalin ayaa ku biiray ciidamada qalabka sida.
“Waan ku hanweynahay mid kasta oo iyaga ka mid ah,” ayuu yiri. “Waxaan ku haynaa dad ku biiray ciidamada qalabka sida ee Ukraine oo ku jira Wasaaradda Waxbarashada.”
Kuwo kale, sida Anton Tselovalnyk, ayaa ku biiray difaaca dhulka.
Casharradii uu bixin jiray waa la joojiyay labadii toddobaad ee ugu horreeyay dagaalka, laakiin wakhti ka dib, dugsiyo uu hore ula soo shaqeeyay ayaa bilaabay inay farriimo u diraan, iyaga oo waydiisanaya gargaar.
42-jirka ayaa isla markiiba u jawaabay, isagoo doortay inuu casharro ku baro dhufeysyada ama guryaha u dhow ee loogu talagalay shaqaalaha difaaca dhulka. Ma jiraan wax ka joojin kara inuu ka maqnaado fasalka, xitaa cimilada qabow.
Waxa uu sheegay in markii hore aysan ahayn in carruurta la baro, balse ay ahayd in la wada hadlo oo la is taageero.
“Waad qiyaasi kartaa, carruurtu waxay aadi jireen dugsiga maalin kasta ka dibna si lama filaan ah ayey u istaagtay arrintaas.”
Waxa uu ardaydiisa – oo u dhexeeya dugsi hoose ilaa sare – baray hab-dhismeedka.
“Waxa ugu muhiimsan hadda waa inaad ilaaliso xiriirka ka dhexeeya tagtadii iyo mustaqbalkaaga. Waxbaridda hadda sidaas ayay iiga dhigantahay anigana,” ayuu yiri.
Mid ka mid ah ardaydiisa, oo lagu magacaabo Viktoria Volkova, oo 17 jir ah, ayaa sheegtay in khudbooyinkiisa Mr Tselovalnyk ay yihiin kuwo qosol leh si uu fasalka u ahaado mid niyad fiican leh.
“Waa mashquulinta ugu fiican,” ayay tiri, iyadoo raacisay in macalinkeedu uu inta badan tusiyo dhufaysyada iyo guudahana xaalka halka uu ku suganyahay .
Macallimiinta kale, sida Maksym Kozhemiaka, ayaa xirfadahooda caafimaad u isticmaalaya inay caawiyaan ciidamada.
41-jirkan oo ah  borafasoor ku takhasusay daawada dhaawacyada ayaa isna go’aansaday caawinta ciidamada ay dhaawacyadu soo gaaraan.
Laakiin dhowr maalmood ka dib markii uu shaqeeyay wuxuu helay hab uu ku caawiyo ardaydiisa inay sidoo kale sii wataan waxbarashadooda.
“Waxaan u maleynay inaan casharro ku bari karno khadka,” ayuu yiri. “Waxaan horeyba khibrad ugu lahayn wax-baridda khadka tooska ah intii lagu jiray Covid.”
Markaa kadib labadii toddobaad ee ugu horreeyay dagaalka, Mr Kozhemiaka wuxuu dib u bilaabay waxbarashadiisa isagoo u oggolaanaya ardaydiisa inay daawadaan isaga oo hawlgallo online ah sameynaya.
“Waxaan barnay dhakhaatiirta da’da yar iyo ardayda sida loola tacaalo dhaawacyada dagaalka,” ayuu yiri.