Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdirxmaan Dhabancad ayaa ku eedeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya in deeqaha caalamiga ah iyo mashaariicda ay isbaaro u dhigatey oo aysan dalka gaarsiin, taas oo caqabad ku ah hanaanka dowlad dhiska dalka ee muddo soo socdey.
Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay tahay in ay ka shaqeeyaan dalka oo dhan hormarkiisa, laakiin taas beddelkeeda muddooyinkan danbe ay caqabad ku noqdeen hormarinta dalka, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ku eedeeyey in dowladda ay hub siyaasadeed ka dhigteen mashaarcda caalamku siiyo Soomaaliya, gaar ahaanna ay Puntland ka hor istaageen dhamaan mashaarciidii horarineed ee dadku ka faa’ideysan lahaa.
Wasiirka Maaliyadda ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ku doodey in Puntland ay shuruuc adag u dejisey maamulidda mashaarciideeda hormarineed iyo deeqaha si loo hubiyo dadka loo adeegayo in ay si toos ah uga faa’iideystaan mashaariicdaas.
“Lacagaha markii hore Muqdisho la soo marin jirey waxay keeneen dhibaato weyn oo ah marka dalabaadka la sameeyo ama la rabo in la fuliyo mashaarciida in aan la helin lacgataas, ama waxaa la siinaayaa dad aan la aqoon iyo shirkado aan Puntland ba ka jirin taas oo dadku aysan toos uga faa’ideysan,” ayuu yiri Dhabancad.
Cabashada Puntland ayaa imaneysa xilli Puntland ay dooratay inay khilaafka u jarto dowladda federaalka.