Home Wararka Somaliya Maamulka Puntland ee Gobolka Mudug oo soo saaray Digniino Culus

Maamulka Puntland ee Gobolka Mudug oo soo saaray Digniino Culus

0

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa digniin culus u diray ganacsatada Al-Shabaab ku taageera dhaqaallaha iyo kuwa aan taageerin howlgallada ciidamada ee ka socda gobolka Mudug ee looga soo horjeedo Al-Shabaab.

Guddomiyaha gobolka Mudug ee maamulka PuntlandCabdilatiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa sheegay in ganacsatada magaalada Gaalkacyo ay ka doonayaan inay qeyb ka noqdaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, isagoo ugu hanjabay ganacsadihii lacago baad ah siiya Al-shabaab ay tallaabo ka qaadayaan.

Waxaa uu sheegay in xaalad ammaan ah hadda ay ku sugan tahay degmada Gaalkacyo qeybta Puntland tan iyo markii ay bilowdeen howgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale isku difaacay eedeymo ku aadana in aysan caddaalad helin 18 qof oo dhawaan lagu toogtay Gaalkayco ka dib markii lagu helay Al-Shabaabnimo.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in ay xidddada u siibeen shabakaddii Shabaab u qaabilsaneyd magaalada Gaalkacyo taas baddalkeedana ganacsatada looga baahan yahay inay ka digtoonaadaan u hogaansanaanta awaamiirtooda.

Ad
Previous articleDowlada Mareykanka oo dhankeeda War kasoo saartay Duqeynta Gobolka Mudug
Next articleDowlada Somaliya oo war kasoo saartay Duqeynta Mareykanka uu ka Geestay Deegaanada Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here