Home Wararka Maanta Maamulka Galmudug oo war kasoo saaray Dagaalada Maanta iyo Goobaha lala wareegay

Maamulka Galmudug oo war kasoo saaray Dagaalada Maanta iyo Goobaha lala wareegay

0

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa looga hadlay dagaallada weli ka socda gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in shantii maalin ee lasoo dhaafay ciidamada Xoogga iyo kuwa Galmudug ay howl-gallo ka wadeen koonfura gobolkaasi.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in howl-galladaasi khasaare iyo jab xoogan lagu gaarsiiyey dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.

“Aragagixisada ayaa jab iyo khasaaro xooggan la gaarsiiyey ayadoo ciidamada huwanta ahi ay la wareegeen goobo istaatiiji ah oo ay ka mid yihiin Qodqod iyo Qaycad, loona ruqaansaday dhanka Camaara, Shacabka deggan deegaanada koofurta Mudug ayaa ku soo warramaya in Shabaab ay ka guurayaan magaalooyinka iyo tuulooyinkii ay sanado badan ku sugnaayeen, una guurayaan dhanka koofurta,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Galmudug.

Xaaladda deegaanada lagu dagaallamay ayaa weli aad u kacsan, waxaana xiisaddu ay ka taagan tahay inta u dhexeysa deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidanka Galmudug iyo Kuwa Dowlada oo la Wareegay Deegaanka Qaycad
Next articleShabaab oo Shaacisay Magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyey Degaanka Bacaadweyn