Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Maamul Goboleedkii ugu Horeeyey oo Soo Gabgabeeyey Doorashada Golaha Shacabka xili...

Maamul Goboleedkii ugu Horeeyey oo Soo Gabgabeeyey Doorashada Golaha Shacabka xili Maantay Waqtigii Doorashadu ku egtahay.

0

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday maamul goboleedkii ugu horreeyey ee soo gabagabeeyey doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo lagu ballamay in la dhammeystiro kama dambeys illaa 15-ka bishan aynu jirno ee Maarso.

Guddiga SEIT ee koonfur Galbeed ayaa maanta oo ay ku egtahay waqtigii lagu ballamay in lagu soo gabagabeeyo doorashada soo xulay kuraastii ugu dambeeyey ee maamulkaasi.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah Hop#047, Hop#172, Hop#164, Hop#197, Hop#204, Hop#181 iyo, waxaana ku soo baxay:-

1-Xaawo Sokor Cali oo  ku guuleysatay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#047. 2-Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo  ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#172. 3-Maxamed Abuukar Cabdi oo ku guuleystey kursiga Hop#164. 4-Cumar Cali Balash oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#197. 5-Isaag Cali Subag oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#204. 6-Maryan Macalin Isaag oo ku guuleysatay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#181.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Koonfur Galbeed ay dhaqan-gelisay jadwalkii u dmabeeyey ee doorashada Golaha Shacabka, kaas oo ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran.

Doorashada Baarlamaanka ayaa soo martay heerar kala duwan, iyada oo deegaanada qaar ay ka jiraan caqabado hortaagan dhameystirka doorashada, waxaana ka mida Garbahaarey iyo Beledweyne oo ay weli ka taagan yihiin murano hareeyey kuraasta taalla halkaasi.

Soomaaliya ayaa ku daahday marxaladda adag ee kala guurka, kadib si qab-qabsiyo dib u dhigay doorashooyinka dalka oo dib u dhacay hal sano iyo ka badan.

Ad
Previous articleNin Dilaa ah oo Dadka Dila Xiliga ay jiifaan oo Baadi Goob Xoogan loogu Jiro iyo Sawiradiisa oo lasoo Bandhigay
Next articleJubaland oo Shaacisay Kuraastii u Danbaysay ee Kismaayo Taalay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here