Home Wararka Maanta Ma tahay xiligii la xiri lahaa Xafiiska Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee...

Ma tahay xiligii la xiri lahaa Xafiiska Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya?

0

Warqad uu ku saxiixan yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, loona diray Madaxweynaha Golaha Ammaanka Pedro Comissario Afonso, ogeysiina la siiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa looga codsaday in la baabi’iyo Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM), innagoo tixgalineyna bay yiraahdeen hawllaheena istiraajiyadeed ee hortabinta leh.

Warqada ayaa lagu sheegay in Dawladda Soomaaliya aysan codsan doonin in la cusbooneysiiyo qaraarka tirsigiisu yahay 2705 ee soo baxay 2023.

Soomaaliya wali waxa ka jira khilaaf u dhaxeeya Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedka Puntland, waxa sii socda dagaalka Al-shabaab, waxana deegaannada qaar ka jira dagaal beeleedyo ragaadiyay geedi socodka nabadeynta Soomaaliya.

In kastoo dadka faaqida siyaasadda Soomaaliya ay qaarkood qabaan in waqtiga UNSOM dheeraaday loona baahan yahay in waqtigeedu soo dhamaado, haddana waxa jira aragti kale o oleh, wali lama gaarin isku filnaasho looga maarmi karo kaalmadooda.

Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa qaba in caawinta xafiiskan wali loo baahan yahay.

‘’Waa la joogaa xiligii la soo gabagabeyn lahaa hawgalkan, laakiin sow ma ahayn inaan isku filnaano, waxay ahayd inaan niraahno ma isku filanahay, aniga ilama aha in soomaaliya wali isku filan tahay, Soomaaliya wali way kala qoqoban tahay, magaalada Muqdisho kaliya ayaa xukuumaddu amnigeeda sugi Karin, gobolladii kale ayaan la gaari Karin, Soomaaliya sida ay u kala qaybsan tahay ayaad ogtahay oo kuuma sheegayo’’ ayuu BBC-da u sheegay Axmed Ciise Cawad.

Arimaha kale ee laga hadlayo haddii la xiro Xafiiska Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa kamid ah sida loo maarayn karo khilaafyada siyaasiga ah ee dhexmara Dawladda Federaalka iyo Dawlad Gobolleedyada oo markii hore uu xafiiskan gacan ka geysan jiray sidii dhinacyada loogu kala dabqaadi lahaa.

‘’U kala dabqaadidii ay u sameyn jireen qaybaha kala duwan ee Dawladda Soomaaliya ayaa Meesha ka baxaya, waxa laga yaabaaba in go’aankan ka dhashay Dawladda Federaalka oo aan daneynin malaha in iyaga iyo gobollada federaalka loo kala dab qaado, sida aan oganahay Puntland iyo Dawaladda Federaalka beryahan khilaaf xoog badan ayaa u dhaxeeyay, Somaliland waa iyada heshiis la saxiixanayso Itoobiya oo u gaar ah oo Soomaaliya arintaas diidan tahay, markaas waxa weeye markii aan ugu baahi badneyn wax nagu taageera in loo kala dab qaado dadka Soomaaliyeed iyo gobolladiisa oo la isku xiro’’ ayuu yiri wasiirkii hore ee arimaha dibadda Dawladda Federaalka.

Lama oga go’aanka Golaha Ammaanka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa uu ka qaadan doono soo jeedinta ka timid Dawladda Federaalka ee ku aadan in la soo gabagabeeyo Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kaas oo muddo xileedkisan hadda uu ku egyahay bisha Oktoobar ee sanad kan 2024.

Shirrar aan loo kala kicin ayaa maanta ka socday xafiiska UNSOM sida aan ka soo xiganay illo wareedyo ku sugan xarunta UN-ka ee Muqdisho kuwaas oo looga arinsanayay dalabka dawladda.

Ad
Previous articleRag Khiyaano Cajiib ah Ku Sameeyey Gobalka Banaadir oo lasoo Qabtay
Next articleUK oo sheegtay in aysan Israa’iil ku taageeri doonin haddii ay qaaddo tallaabo ay uga digtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here