Home Wararka Caalamka Ma ogtahay in sanadkan 2030 laba jeer la soomi doono?

Ma ogtahay in sanadkan 2030 laba jeer la soomi doono?

0

Muslimiinta ayaa sanadka 2030 laba jeer soomi doona, sida uu sheegay khabiir cilmul falaga bartay oo Sacuudiga u dhashay, laguna magacaabo Khaalid al-Zaqaq.

Ramadhaan kasta waxa uu soo durqaa 10 ilaa 11 maalmood, maadaama bilaha sanadka Hijriga ay ka maalmo yar yihiin kuwa sanadka Miilaadiga, taasoo ka dhigan in sanad kasta uu Ramadhaanka u soo dhawaado bisha January.

Kala duwanaanshaha maalmaha labada tirsi ayaa ka dhigan in dhowr iyo sodonkii sano ba sanad Miilaadi ah laba goor la soomo. Markii ugu dambeysay ee taasi oo kale ay dhacday ayaa ahayd sanadkii 1997.

Marka aad eegto kalendarka Sacuudi Carabiya ee sanadka 2030 oo aad ka heli karto timeanddate.com, waxaad arkaysaa in Ramadhaanka koobaad uu billaaban doono 6-da January, halka Ciidda ay ku beegan tahay 5-ta February. Ramadhaanka labaad ayaa ku beegan 26-ka December ee isla sanadkaas.

Taasi ayaa ka dhigan in sanadka 2030 ay Muslimiinta ka soomi doonaan qiyaastii 36 maalmood, Ramadhaan 1451H oo dhamaystiran iyo Ramadhaan 1452H oo ay lix maalmood ka qaadan doonaan.

Sanadka Hijriga ah ayaa ka kooban 354 ama 355 maalmood, halkan kan Miilaadiga uu ka kooban yahay 365 maalmood.

Muslimiinta isticmaala Twitter ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay labada soon ee 2030.

Ad
Previous articleRa’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson oo la ganaaxay.
Next articleDagaal culus oo ka dhacay Degmada Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here