Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Xog: Ma laga socon karaa Maamulka Koonfurgalbeed ee Diiday In Xildhibaanadiisa...

Xog: Ma laga socon karaa Maamulka Koonfurgalbeed ee Diiday In Xildhibaanadiisa Lasiiyo Shaahdada?

0

Maadaamaa ku dhowaan 200 xildhibaan ay qaateen shahaadada rasmiga ah ee guddiga federaalka iyo kaarka aqoonsiga xildhibaanimo, islamarkaasna ay aad u dhowdahay taariikhda 14-ka ee loo qabtay in baarlamaanka lagu soo dhamaystiro ayaa waxa ay dad badan is weeydiinayaan in laga socon karo Koonfur Galbeed, maadaamaa uu buuxsamay guntanka labada aqal ay ku fariisan karaan.

Axmed Kaariye Qoor-Qoor oo warbaahinta kula hadlayay Baydhabo ayaa sheegay in aanan laga socon karin Koonfur Galbeed, wuxuuna yiri “Maanta waxaan joogaa heer ay doorashadii ay gabogabo tahay oo guul inoogu dhamaato , ma jirto, mana jiro maamul goboleed laga socon karo, reer laga socon karana ma jiro, qof soomaaliyeed oo laga socon karana ma jiro doorasho wax laisku darsaday wada-ogol lagu keenay tanasul iyo walaalnimo ku timid -taas ayay ku soconeysaa”.

Sidoo kale guddoomiyaha xilgaarsiinta federaalka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in xildhibaanada Koonfur Galbeed oo maqan uusan jirin baarlamaan fariisan kara, wuxuuna yiri “Haddii 14-ka baarlamaanka, Koonfur Galbeed ay ka maqan tahay , baarlamaan lama dhaarinayo waxaa la dhaarinaya dowlado iskaashaday , afar dowlad goboleed baarlamaankiisa ayaa la dhaarinayaa” .

Daahir Qoriyow Isaaq oo ka faalooda arrimaha gobolka ayaa BBC-da u sheegay inay adagtahay in horey loo sii socdo iyadoo maamul goboleed uu ka maqan yahay baarlamaanka.

“Wey adagtahay in laga socdo , siyaasad ahaan ma fiicno in laga socdo Koonfur Galbeed oo maqan waayo haddii la socdo waxay horseedi kartaa in siyaasadda ay sii xumaato, waana gobol dhan maadama baarlamaanka uu yahay matalaad shacab, waxay noqon howl adag oo saameyn ku yeelan karta doorashada” ayuu yiri.

“Madaxweyne Qoor-Qoor waxay ila tahay in uu sax san yahay maadaama waxa taagan uu yahay khilaaf siysaasadeed waa in xal siyaasadeed la gaaro anigaa saxsan iyo anigaa khaldan ma jirto, waxaa lagu khasban yahay in xal siyaasadeed oo deg deg ah la gaaro , macquul ma ahan in koox ama shakhsi uu aragtiisa ku fuliyo arrinta , dalkuna waa federaal, maamul goboleedna lagama maarmo, waa in la ilaaliyo matalaadda” ayuu yiri Daahir Qoriyow

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleAlshabaab Qorshaynayay inay Weeraraan Wisil oo iyaga La Weeraray
Next articleRuushka oo Taliye Cusub U soo Magacaabay Dagaalka Ukrain kadib Markii Ladilay Taliyihii Hore