Home Wararka Maanta Ma Dhabaa in Raysulwasaare Rooble looga Adkaaday Kuraasti La Hakiyay ee Koonfurgalbeed(Xog)

Ma Dhabaa in Raysulwasaare Rooble looga Adkaaday Kuraasti La Hakiyay ee Koonfurgalbeed(Xog)

0

Afarta kursi ee guddiga doorashada heer federaal uu xayiraadda geliyey ayaa la filayaa in la fasaxo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Mudug24

Waxaa maalmahan socday cadaadis ballaaran oo ay beeshu caalamka ku haysay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, la-taliyeyaashiisa iyo Guddiga Doorashooyinka ee FEIT oo ku aadanaa in si degdeg ah iyo shuruud la’aan loo sii daayo kuraasta la xayiray.

Kuraastan oo uu kamid yahay kursiga ugu hadal-haynta badan ee HOP#086 ee uu kusoo guuleystay Fahad Yaasin Xaaji Daahir, kaasi oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la tuhunsan yahay in hakintooda ay siyaasad ka dambeyso, si gaar ahna kursiga Fahad.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Mudug24 ayaa xaqiijinaya in beesha caalamka ay luuqad adag kula hadlaysay dhinacyada Soomaalida, islamarkaana cadaadiska uu 24-kii saac ee lasoo dhaafay ku kordhay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka.

Shir muddo sacaado ah ka socday Hotel Decale oo dhexmaray xubno aad ugu dhow ra’iisul wasaaraha, sida wasiirka waxbarashada Injineer Cabdullaahi Carab, Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, Guddoomiyaha Guddiga FEIT, ku-xigeenkiisa iyo xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo loo xilsaaray inay kasoo talabixiyaan go’aanka laga gaarayo kuraastan iyo sida looga kug bixi karo cadaadiska Reer Galbeedka.

Cadaadiskan caalamiga ah kadib, Xafiiska Ra’iisul Wasaraaha ayaa go’aansaday in xubno ka tirsan FEIT loo diro maanta magaalada Baydhabo kadibna ay sii daayaan kuraasta xayiran, ayada oo loo muujinayo in xal ka baxsan beesha caalamka la gaaray.

Xubnaha ka tirsan safaaradaha UK, Mareykanka, Midowga iyo Xafiiska QM ee hawshan garwadeenka ah ayaa aaminsan inuu dhaqaaqay tareenka doorashada, xafladda dhaarintana ay waqtigeeda ku dhacayso, ayada oo la filayo in kuraasta la fasaxo galabta illaa caawa ama saacadaha hore ee berri.

Ad
Previous articleGuddiga Doorashooyinka oo Maantay Wafdi U Diraayo Baydhabo
Next articleDagaalka Ukraine: Waa kuma ninka Putin saaxiibka la ah ee gacanta lagu dhigay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here