Home Wararka Maanta Lix bil ka dib Israa’iil oo ku hungowday go‘aankeedii ahaa inay dabar...

Lix bil ka dib Israa’iil oo ku hungowday go‘aankeedii ahaa inay dabar jarayso Xamaas?

0

Ku dhawaad lix bilood ayaa laga joogaa markii dagaalyahannada Xamaas ay ka talaabeen Qasa iyagoo gudaha u galay israa’iil 7-dii Oktoobar, iyagoo dilay ilaa 1,200 oo qof, boqolaal kalana ay qafaasheen.

Israa’iil oo ka jawaabaysa weerarkaas ayaa wacad ku martay inay “burburin doonto Xamaas” si aysan khatar dambe ugu imaan una soo furtaan la haystayaasha reer Israa’iil ee gacanta ugu jira Xamaas oo guryahooda dib ugu soo celiyaan.

Dagaalka bahalnimada ah ee xigay, ugu yaraan 33,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho, waxaana la burburiyay qaybo badan oo Qasa ka tirsan.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay dishay kumannaan dagaalyahan oo Xamaas ah, isla markaana ay burburisay inta badan shabakaddii ugu ballaadhnayd ee marinnada dhulka hoostiisa mara ee Qasa, kuwaas oo ay Xamaas u adeegsatay weerarada.

Qaybta xaqiijinta BBC-da ee ‘BBC Verify’ waxay isku dayday hadallo dad weyne iyo baraha bulshada ay soo dhigeen Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF) waxayna qiimeeyeen caddaymaha ka dambeeya ujeeddooyinka Israa’iil.

Immisa hoggaamiye oo Xamaas ah ayaa la dilay?
Kahor 7-dii Oktoobar, Xamaas waxaa loo malaynayay inay Qasa ku sugnaayeen ilaa 30,000 oo dagaalyahan, sida ay sheegayaan warbixinnada laga soo xigtay taliyeyaasha IDF.

Qaar badan oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee siyaasadda Xamaas sida Ismail Haniyeh, oo aad loogu tiriyo inuu yahay hogaamiyaha guud ee kooxda, ayaa ku nool dalka dibadiisa. Laakiin qaar badan oo ka mid ah qaab-dhismeedkeeda hoggaamineed ee militariga ayaa loo maleynayaa inay ku jiraan gudaha Qasa.

War qoraal ah oo ay dhawaan soo saartay IDF ayaa lagu sheegay in tan iyo markii uu dagaalka bilowday ay dileen ilaa 13,000 oo dagaalyahanada Xamaas ah, inkastoo aysan sheegin sida ay u xisaabiyeen tiradaasi.

Israel ayaa sidoo kale daabacday magacyada shaqsiyaadka hogaamiyayaasha Xamaas ee ay sheegtay in la dilay.

113 qof ayaa sidan loo magacaabay tan iyo bishii Oktoobar, kuwaas oo intooda badan la sheegay in lagu dilay saddexdii bilood ee ugu horreeyay dagaalka.

Marka la barbardhigo, ciidamada Israa’iil ma aysan soo sheegin wax hoggaamiyeyaal sare oo Xamaas ah oo lagu dilay Qasa sanadkan illaa Maarso.

Bishii Maarso 26-keedii, IDF waxay sheegtay inay dishay Marwan Ciise, oo ahaa taliye ku xigeenkii garabka militariga ee Xamaas.

Waxaa loo arkaa mid ka mid ah ragga Israa’iil aadka u doondoonaysay, wuxuu noqon lahaa hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee kooxda ee la dilo tan iyo markii uu dagaalku billowday.

Mareykanka ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in la dilay, balse Xamaas ma aysan xaqiijin.

IDF ayaa daabacday magacyada shaqsiyaad ay ku sheegtay in ay ahaayeen madax sare oo Xamaas ah oo la dilay, balse lama xaqiijin karo in ay ka tirsan yihiin Xamaas iyo in kale.

Mid ka mid ah kuwa lagu magacaabay qaybtan ayaa ahaa Mustafa Thuraya, oo ahaa wariye madax-bannaan oo ka shaqeynayay koonfurta Qasa markii gaarigiisa la bartilmaameedsaday bishii Janaayo.

Waxa kale oo aanu liiska ka helnay magacyo nuqul ah, kuwaas oo aanu ka dhimnay wadarta guud.

Meel ka baxsan Qasa, hoggaamiyihii siyaasadda Xamaas Saleh al-Arouri ayaa ku dhintay qarax ka dhacay xaafadda Daahiye ee koonfurta Beyruut bishii Janaayo. Israa’iil ayaa loo arkaa inay mas’uul ka tahay weerarkaas.

Si kastaba ha ahaatee, khubarada aan la hadalnay ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha caanka ah ee kooxda ee Qasa, oo uu ku jiro Yahya Sinwar, la rumeysan yahay inay weli nool yihiin.

“IDF ma aysan awoodin in ay gaarto hogaanka sare ee hoggaanka Hamas,” ayey tiri Mairav Zonszein, oo ah falanqeeye sare oo arrimaha Israa’iil iyo Falastiin ka ah kooxda xasaradaha caalamiga ah.

“Labadaba heer oo lagu gaari karo madaxda ugu muhiimsan, iyo sidoo kale heerka lagu bedelayo Xamaas oo ah cidda heysata dhulka, taasi waa wax aysan awoodin inay gaarto,” ayuu tiri Zonszein.

Ad
Previous articleDalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”
Next articleSaamaynta Puntland ay Ku Yeelatay Khilaafka Kala dhaxeeya Dowlada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here