Home Wararka Maanta Liiska wariyaasha ku dhintay colaadda Qasa oo la soo saaray

Liiska wariyaasha ku dhintay colaadda Qasa oo la soo saaray

0

Ugu yaraan soddon iyo kow (31) wariye ayaa lagu dilay Qasa tan iyo markii ay Xamaas weerarka ku qaadday soddex toddobaad ka hor Israa’iil.

Guddiga difaaca wariyaasha ee fadhigiisu yahay Mareykanka ee CPJ, ayaa sheegay in tiradaan ay ka dhigantahay colaaddii ugu dhimashada badneed dhanka suxufiyiinta tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

Lix iyo labaatan ka mid ah wriyaashaan waa Falastiiniyiin halka saddex ka mid ah ay yihiin Israa’iiliyiin midna waxaa uu u dhashay dalka Lubnaan.

Ma cadda in dhamaan wariyaashaan ay tebinayeen colaadda ka aloosan Qasa markii ay geerida la kulmeen iyo in kale.

Milatariga Israa’iil ayaa ee dagaalka ka wada Marinka Qasa ayaa warbaahinta u sheegay in aysan damaanad qaadi karin dadka ku sugan aagga dagaalladu ka socdaan.

Wariyaasha dagaalka Qasa ku dhintay waxaa ku jira Roshdi Sarraj, oo aad looga yaqaaney dhulka Falastiin ahaana filim-sameeye iyo Issam Abdallah,oo ahaa wariye muuqaallada duuba fadhigiisuna ahaa Bayruut.

Ad
Previous articleWaa Sidee Xaalada Magaalada Xananbuure oo Shalay dagaalo Ka Dhaceen?
Next articleP.M Xamsa Cabdi Barre oo maanta furay shir looga hadlayo Doorka….(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here