Home Wararka Maanta Liiska jaamacadaha Africa oo lasoo saaray iyo kaalimaha ay galeen kuwa Soomaaliya

Liiska jaamacadaha Africa oo lasoo saaray iyo kaalimaha ay galeen kuwa Soomaaliya

0

Laba jaamacadood oo Koonfur Afrikaan ah, Jaamacadda Witwatersrand iyo Jaamacadda Johannesburg, oo dhowr kiiloomitir u jirta Johannesburg, ayaa ka soo baxay kaalinta koowaad iyo labaad 88 jaamacadood oo lagu qiimeeyay hormuudka Jaamacadaha ee Times Higher Education Sub-Saharan Africa Rankings 2023 taas oo lagu dhawaaqay 26-kii June oo shalay ahayd.

Jaamacadda Muhimbili ee caafimaadka iyo culuumta isbahaysiga ee Tanzania ayaa gashay kaalinta saddexaad, halka Jaamacadda Pretoria, oo sidoo kale ku taal Koonfur Afrika, iyo Jaamacadda Makerere ee Uganda ay kala galeen kaalmaha afraad iyo shanaad.

Jaamacadaha kale ee ku jira 10ka sare, sida ay u kala horreeyaan, waxaa ka mid ah Jaamacadda Western Cape ee Koonfur Afrika, Jaamacadda Covenant ee Nigeria, Jaamacadda Rwanda ee sinnaanta caafimaadka caalamiga ah, Jaamacadda Ashesi ee Ghana iyo Jaamacadda Ardhi ee Tansaaniya.

Liiskan ayaa waxaa kasoo muuqday dhow jaamacadood oo ka howlgala Soomaaliya.

Jaamacadda ugusoo horreysa ee ee Soomaaliya kasoo gashay liiskan ayaa ah jaamacadda Abarar oo soo gashay kaalinta 38-aad.

City university of Mogadishu ayaa gashay kaalinta labaad ee xagga Soomaaliya iyadoo guud ahaan kasoo muuqatay kaalinta 61-aad

Jaamacadda SIMAD ayaa iyaduna sidaa lamid ah oo gashay kaalinta 61-aad ee guud ahaan 88-ka jaamacadood ee la tiro koobay heerka aqoontooda.

Ugu danbeyn Jaamacadda Red Sea ayaa Gshay kaalinta 71-aad ee heerka jaamacadaha Soomaaliya.

Ad
Previous articleMuxuu Putin ka yiri dullaankii ay Moscow ku qaadeen Wagner ee uu khatarta Ku Galay?
Next articleGuddoomiyaha cusub ee Gedo ee Axmed Madoobe Magacaabay oo gaaray Garbahaarey,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here