Stockholm – Wasiirka socdaalka ee Sweden, Johan Forssell, ayaa ka digay in haddii xisbiyada mucaaradku ku guuleystaan doorashada dayrta soo socota, ay dib uga noqon karaan isbeddello muhiim ah oo dowladda hadda jirta ku samaysay siyaasadda socdaalka.
Qoraal uu ku daabacay wargeyska Expressen, Forssell wuxuu sheegay in tallaabooyinka dowladda ay horseedeen hoos u dhac ku yimid tirada magangalyo-doonayaasha iyo adkeynta sharciyada socdaalka, balse ay jiraan khataro ah in la baabi’iyo haddii xisbiyada bidix ay talada la wareegaan.
Forssell wuxuu sheegay in inkastoo xisbiga Socialdemokraterna uu sheegto inuu taageersan yahay siyaasad socdaal oo adag, haddana hoggaamiyaha xisbiga Magdalena Andersson ay xilligii ay raysal wasaare ahayd ku tilmaantay qaabilaadda 19,000 oo magangalyo-doon sannadkii inay tahay siyaasad adag. Dowladda hadda jirta se waxay filaysaa in sannadka 2026 ay Sweden yimaadaan ku dhawaad 4,200 oo keliya.
Wuxuu sidoo kale sheegay in haddii Socialdemokraterna ay doorashada ku guuleystaan, ay u baahan doonaan taageerada xisbiyada Bidixda (Vänsterpartiet), Deegaanka (Miljöpartiet) iyo Centerpartiet, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay doonayaan in la kordhiyo socdaalka.
Toddobo Isbeddel oo Halis Ku Jira#
Forssell wuxuu sheegay in isbeddellada ugu muhiimsan ee laga yaabo in dib looga noqdo ay ka mid yihiin:
- Adkeynta shuruudaha lagu helo jinsiyadda Sweden, oo ay ku jiraan in qofku dalka ku noolaa ugu yaraan 8 sano, uu caddeeyo aqoonta luqadda iyo bulshada Sweden, isla markaana uu leeyahay dhaqan wanaagsan.
- Sharciyo cusub oo adkeynaya masaafurinta dadka dambiyada gala, kuwaas oo dowladda sheegtay inay kordhin doonaan go’aannada masaafurinta ilaa lix jibbaar.
- Xeerarka dhaqan galay 1-da Juun, kuwaas oo dhigaya in dadka lagu amray masaafurinta balse aan weli laga saari karin dalka aan la siin doonin oggolaansho cusub oo deggenaansho ama kaalmooyin dhaqaale, isla markaana lagu hayn doono xarumaha Hay’adda Socdaalka ilaa masaafurintooda la fuliyo.
Wasiirku wuxuu xusay in xisbiyada Bidixda iyo Deegaanka ay ka horyimaadeen qaar badan oo ka mid ah isbeddelladan, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo siyaasadda adag ee dowladda hadda jirta ku wajahday socdaalka.



