Xog ay heshay Warbaahinta Mudug24 ayaa sheegeysa in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu xayiraad kusoo rogay xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanadaas.
Sida aan xogta ku helnay, Laftagareen ayaa amray in xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed ee ku sugan Baydhaba inaysan ku safri karin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ay ka socoto shahaado bixinta.
Laftagareen ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa inuu xildhibaano dhowr ah oo ku sugan Muqdisho ku amray inay dib ugu soo laabtaan magaalada Baydhaba.
Xildhibaanada qaar ee laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa qaatay shahaadada xildhibaanimo waxayna iska dhago tireen go’aanka uu Laftagareen ku diiday shaqada guddig doorashada ee heer Federaal, inkasta oo ay aad u kooban yihiin.
Lama ogo haddii xildhibaanada ku sugan Muqdisho ay aqbalayaan inay dib ugu laabtaan Magaalada Baydhabo, waxaana jiro warar sheegaya in xildhibaanada intooda badan ay diideen amarka Lafta-gareen, ayna suurta-gal tahay inay shahaadada qaataan.
War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay