Home Wararka Maanta Laftagareen oo Ka Naxay Go,aanka Dowlada Soomaaliya Itoobiya ugaa saarayso koonfurgalbeed

Laftagareen oo Ka Naxay Go,aanka Dowlada Soomaaliya Itoobiya ugaa saarayso koonfurgalbeed

0

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhigeeda Soomaaliya ayaa maalmahan ku mashquulsanaa calaamadeynta goobaha cusub ee ay ku shaqeyn dooanan ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasi oo loo yaqaano AUSSOM.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo jeedisay inay Itoobiya baneyso gobolada Bakool, Bay iyo Gedo. Laakiin Itoobiya ayaa qeyb ahaan taas ka cago jiiday, waxay si weyn iskaga riixeen inay ka baxaan gobolka Gedo, sidoo kale gobolka Bakool ayey ku faro adeygeen, waxaase lasoo wariyay inay aqbaleen inay ka baxaan qeybo kamid ah gobolka Baay oo ay ku jirto magaalada Baydhabo.

Caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa hadda si weyn ugu tiirsan kaalmada milateri ee Itoobiya, waxayna ciidankeeda joogaan Madaxtooyada Koonfur Galbeed, garoonka diyaaradaha iyo goobo kale oo muhiim ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa damacsan in magaalada Baydhabo la geeyo ciidan ka socda waddanka Uganda, sida ay sheegayaan xubno ka tirsan dowladda federaalka. Isbeddelka ciidan ee magaalada Baydhabo ma noqonayo mid amni oo keliya, ee sidoo kale wuxuu noqonaya mid siyaasadeed.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo la sheegay inuu helay xogta ah inay Itoobiyaanku ogolaadeen in Baydhabo ka baxaan ayaa la sheegay inuu si gaar ah qodobkan uga hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo dalbanaya in Baydhabo lagu daro goobaha ay sii joogayaan ciidanka Itoobiya.

Sida ay illo ka tirsan Villa Somalia inoo xaqiijiyeen, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa jawaab diidmo ah ama ogolaansho ah siinin Lafta-gareen, wuxuu qabsaday in isaga laga warsugo muddo 10 cisho ah.

Lafta-gareen markii uu jeedinayay codsigan waxaa wehliyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa go’aan weyn ku yeelan doonta haddii ay Baydhabo geyso ciidan iyada ka amar qaata. Lafta-gareen wixii markaa ka dambeeya wuxuu kala dooran doona inuu ku baxo jidkii Shariif Xasan Sheekh Aadan ama inuu boqolkiiba boqol isku dhiibo taliska Xasan Sheekh oo ay Villa Somalia go’aan ka gaarto mustaqbalkiisa xukunka Koonfur Galbeed.

 

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDowlada Swedan oo Go,aano Culus soo Saartay kadib Toogashadii naxdinta lahayd ee dhacday
Next articlePuntland oo ka Hadashay Go,aanka Trum rwwr GAZA ugu Soo Raraayo Puntland