Home Wararka Maanta laftagareen oo ka Hadlay Damaca Xasan Shiikh ee wax ka badalka Dastuurka...

laftagareen oo ka Hadlay Damaca Xasan Shiikh ee wax ka badalka Dastuurka Soomaaliya

0

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa markii ugu horreysay si cad u shaaciyay mowqifkiisa ku aadan wax ka beddalka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Laftagareen ayaa go’aankan uga dhawaaqay kulan uu isugu yeeray xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metala Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay in sababta ugu weyn ee kulankooda uu yahay wada-tashi ku saabsan nidaamka cusub ee dowlad dhiska Soomaaliya iyo wax ka beddalka dasuurka ku meel gaarka ah.

“Qodobka saddexaad ee aan ka tashan doono waa arrimaha siyaasadda iyo sida ay hadda waxa u socdaan iyo nidaamkan cusub ee dowlad dhiska ah iyo isbeddalka wax ka beddalka dastuurka inaan iyadana wadatashi ka yeelano” ayuu yiri madaxweyne Laftagareen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xusay inay muhiim u tahay in la dhammeystiro dastuurka oo hadda qabyo ah, isaga oo xusay inay qaadan doonaan doorka kaga aadan.

“Waa wax sharci ah oo dastuuri ah oo waajibaad qaran ah in dastuurka Soomaaaliya uusan qaybo ahaanin oo la dhammeystiro waa wax waajib ah oo dadka Soomaaliyeed u yaallo, xildhibaanada federaalka u yaalla, siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaaliyeedna laga rabo in ayadana aan ka tashano” ayuu mar kale khudbaddiisa ka yiri madaxweynaha K/ Galbeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Soomaaliya waxaan rajayneynaa isbeddal sharciyadeed inuu imaanaayo in aragtida annaga ay mideysan tahay oo aan qaadano go’aano muhiim ah oo dalka anfacaayo”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Baydhaba uu ka socdo shir xasaasi ah oo arrintaan iyo xaaladda Koonfur Galbeed looga hadlayo, kaas oo u dhexeeyo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo xildhibaanada labada Aqal ee BFS ee kasoo jeeda maamulkaasi.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan dooneysa inay u guurto nidaam cusub, ayada oo meesha laga saarayo xilka ra’iisul wasaaraha, waxaana qorshuhu yahay in dowladda federaalka ay markii ugu horreysay yeelato madaxweyne iyo ku xigeen, sida uu horay u shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh oo hormuud u ah ololahan oo xittaa lagu soo qaaday shirarkii ugu dambeeyay ee ay yeesheen xubnaha Golah Wadatashiga Qaranka Soomaaliya.

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍

Maxaa Qalad ah oo ka jira Heshiiska Turkiga iyo Somaliya ee Dhanka Shidaalka

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu

Maamulka Puntland oo Dowlada Somaliya uga digtay in la Siyaasadeeyo Gargaarka

Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta madiibooyinka dawladda Puntland waxay ka digaysaa siyaasadaynta arimaha Gargaarka taas oo sababi karta in lagu takrifasho oo la baalmaro shuruucda caalamiga ah. HOOS KA DAALACO QORAALKA

Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo loo doortay Xildhibaan Qawdhan

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal u dhexeeya SSC iyo Somaliland oo dib uga qarxay
Next articleDeni oo kulan qarsoodi ah la yeeshay guddi gaar ah oo baarlamaanka Puntland u xil-saaray ka shaqaynta xeerka doorashooyinka qof iyo cod