Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Laftagareen oo isugu Yeeray Xildhibaanada Koonfurgalbeed arin Muhiim ahna Kala Hadlay

Laftagareen oo isugu Yeeray Xildhibaanada Koonfurgalbeed arin Muhiim ahna Kala Hadlay

0

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo caawa kulan isugu yeeray Musharaxiinta xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee kala ah Xasan Cabdinur, Xasan Eelaay iyo Aadan Saransoor ayaa xogaha waxay sheegayaan inuu si buuxda u dhisayo Xildhibaan Xasan Cabdinur, waxaana uu ka dalbaday labada Musharax kale inay la dhisaan.

C/casiis Lafta Gareen ayaa maanta Muqdisho u yimid ololaha doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo uu aragti weyn ka leeyahay sanadkan, isla markaana doonayo in Guddoomiye Baarlamaan oo Koofur Galbeed isku raacsan tahay la dhiso.

Munaasabad weyn oo Xildhibaan Xasan Cabdinur ku shaacinayo Musharaxnimadiisa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa habeen dambe ka dhaceysa Hotel Decale oo lagu martiqaaday Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Ad
Previous articleGabadh caan ka aheyd TikTok oo lagu xukumay saddex sano oo xarig ah.iyo.Sababta oo La Shaaciyay
Next articleRuushka oo farriin kama dambays ah u diray ciidamada ka dagaalamayo Mariupol

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here