Home Wararka Maanta Laftagareen oo Ciidamo Farabadan Wata oo Soo Gaaray Muqdisho

Laftagareen oo Ciidamo Farabadan Wata oo Soo Gaaray Muqdisho

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Laftagareen ayaa garoonka Aadan Cadde kasoo dagay, isaga oo wata askar ka tirsan ciidamadiisa ilaalada gaarka ah oo uu kasoo watay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, waxayna arrintan bannaanka keeneysaa heerka ay gaarsiisan tahay xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka.

Ujeedka madaxweynahaa Koonfur Galbeed ayaa ah ka qayb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo la filayo inuu maalmaha soo socda ka furmo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Laftagareen ayaa kulan gaar ah la qaadan doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo horay uga shaqeeyay sidii uu ku imaan lahaa caasimada, iyada oo loo diray ra’iisul wasaaraha iyo taliyaha ciidanka Asluubta, si ay ugu kala dabqaadaan labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in wada-hadallada u bilaabanaya Villa Soomaaliya iyo maamulka Laftagareen diiradda lagu saari doono sidii xal loogu heli lahaa xiisadda taagan, gaar ahaan soo afjarida khilaafka labada dhinac oo ay uga sii dartay xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya.

Madaxda kale ee maamul goboleedyada ayaa iyagana imaanaya Muqdisho, marka laga reebo hoggaamiyaha Puntland, waxayna ka qayb-galayaan shirka uu iclaamiyay madaxweynaha oo ku soo aaday xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo shaki kala dhex dhigtay dhinacyadan.

Waxaa qorshuhu yahay in shirkan lagu soo qaado arrimaha doorashooyinka oo uu muran xoogan ka taagan yahay, gaar ahaan kuwa maamul goboleedyada oo illaa iyo hadda la’isku fahmin hanaanka loo wajahayo, xilli uu dhamaaday muddo xileedka madax goboleedyada.

Soomaaliya ayaa waxaa mar kasta oo la gaaro xilliga doorashada, waxaa soo baxa is qabqabsiyo u dhexeeyo madaxda Soomaaliyeed, kaas oo dhaliyo kala tag siyaasadeed, inkastoo inta badan ay kusoo baxdo beesha caalamka, kadibna xal waara laga gaaro.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleShirka Golaha Wadatashi Qaran oo Maantay Ka Furmaaya Muqdisho Iyo Laftagareen oo…
Next articleDeni oo Kuwajahan Boosaaso Xili Asad Diyaano Xilka lawareegay