Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Laftagareen iyo Xasan Shiikh oo Ugu Danbayn Telefoon kuwada Hadlay

Laftagareen iyo Xasan Shiikh oo Ugu Danbayn Telefoon kuwada Hadlay

0

Taliyaha ciidanka Asluubta Jen, Mahad Cabdiraxmaan (Shubka), ayaa kuguuleystay in ay telfoon isku maqlaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kuwaas oo todobaadyadii u dambeeyey xariirkooda telfoon uu lumay, Laftagareena ka diiday Xamse iyo Turkiduba in uu telfoonka Madaxweyne Xassan ka jawaabo.

Villa Soomaaliya ayaa wali xooga saaraysa in Laftagareen la geeyo Muqdisho dhammaadka bishan, laakiin dhinaca Koonfur Galbeed ayaa wali diidan, sida ay sheegayaan wararka laga helayo dhinaca Laftagareen.

25-ka bishan ayay Madaxtooyada Soomaaliya naawilaysaa qabashada shirkii Madasha wadatashiga, iyadoo cabsi ka qabta in haddii dadaalkaas fashilmo ay wax badan khasaari doonto, oo uu ka muhiimsan yahay dhammaan kulamadii hore oo dhan.

Madaxda Jubaland iyo Koonfurgalbeed ayay Villa Somalia u aragtaa cida fashilin karta shirka madasha oo ay baahi weyn u qabto xiligan madaxtooyadu qabsoomidiisa, taas oo muujinaysa kala taagnanta.

Ad
Previous articleMuxuu Aha Heshiiska Lagu Saxiixay addisababa oo Soomaaliya Qaybta Ka Tahay?
Next articleDuqii Degmada Gaalkacyo oo Is Casilay