Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Laftagareen iyo Wasiirkii Gaashaandhiga oo ka Dagay Magaalo Alshabaab Go,doomiyeen(Sawiro)

Laftagareen iyo Wasiirkii Gaashaandhiga oo ka Dagay Magaalo Alshabaab Go,doomiyeen(Sawiro)

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Wafdigan ayaa waxaa Diinsoor kusoo dhaweeyay maamulka degmada, saraakiisha laamaha amniga iyo qaybahaa kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Laftagareen iyo Jaamac ayaa Diinsoor ku tegay diyaarad yar, maadaama magaaladaan ay muddi ka badan 10 sano go’doomiyeen xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Baay.

Ujeedka safarka wafigan ayaa la xiriira u kuurgelida xaaladda degmada iyo sidoo kale dhaqaaqjinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Sidoo kale mas’uuliyiintan ayaa inta ay joogaan magaalada waxa ay la kulmi doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada, si ay uga xog wareystaan xaaladda iyo howlgallada.

“Safarka Mas’uuliyiinta ayaa la xiriira Dardar galinta Qorshaha dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo Koofur galbeed waxaana ay kulamo laqaateen Waxgaradka iyo qeybaha bulshada degmada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Koonfur Galbeed.

Maalmihii u dambeeyay waxaa deegaanada Koonfur Galbeed ka socday u diyaar garow ku aadan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo la filayo inuu ka billowdo maamulkaasi.

Xududr ayaa kamid ah magaalooyinka waa weyn ee uu ka socda gulufka, waxaana dhawaan tegay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ad
Previous articleRaysal wasaarihii hore ee Ingiriiska oo wariyenimo loo shaqaalaysiiyey
Next articleDublamaasiyiinta israail oo lagu amray inay la Baxaan Dalka Turkiga Xili Turkiga Iyo Israail Xiisad ka Dhex Taagantahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here