Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay.
Laftagareen iyo Jaamac ayaa Diinsoor ku tegay diyaarad yar, maadaama magaaladaan ay muddi ka badan 10 sano go’doomiyeen xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Baay.
Ujeedka safarka wafigan ayaa la xiriira u kuurgelida xaaladda degmada iyo sidoo kale dhaqaaqjinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.
Sidoo kale mas’uuliyiintan ayaa inta ay joogaan magaalada waxa ay la kulmi doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada, si ay uga xog wareystaan xaaladda iyo howlgallada.
“Safarka Mas’uuliyiinta ayaa la xiriira Dardar galinta Qorshaha dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo Koofur galbeed waxaana ay kulamo laqaateen Waxgaradka iyo qeybaha bulshada degmada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Koonfur Galbeed.
Xududr ayaa kamid ah magaalooyinka waa weyn ee uu ka socda gulufka, waxaana dhawaan tegay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.