Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Laftagareen iyo Rooboow oo Muqdisho lagu Heshiinaayo(Xog)

Laftagareen iyo Rooboow oo Muqdisho lagu Heshiinaayo(Xog)

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Cabdicasciis ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa kusoo dhaweeyey xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo midka federaalka ah.

Ujeedka safarka Laftagareen ee Muqdisho ayaa ah inuu ka qeybgalo shirka dhawaan Muqdisho uga furmi doono madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe oo maalmihii dambe uu xumaa xiriirkooda.

Sida xogta sheegeyso, Laftagareen ayaa loo ballan qaaday in lala heshiisiin doono wasiirka diinta iyo awqaafta dowladda federaalka ee Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo xiisad xooggan ay ka dhaxeyso, islamarkaana uu aad isaga ilaalinayo.

Laftagareen ayaa loo damaanad qaaday in aysan wax dhibaato ah uga imaan doonin dhinaca Roobow iyo dowladda federaalka Soomaaliya taasoo keentay inuu maanta kasoo dago Muqdisho, sida aan xogta ku helnay

Sida aan  ogaanay  shirkan dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa qabsoomi doono 11-ka iyo 12-ka Sep. gaar ahaan inta uusan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u safrin magaalada caasimada ah ee Nairobi, halkaas oo uu uga qayb- geli doono caleema saarka madaxweyne William Ruto.

Madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa ka wada-hadli doono arrimo ay ka mid yihiin ismari-waaga taagan maaliyadda, abaaraha iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse doodaha miiska saaran ayaa ah kuwa adag, ayadoo maamullada qaarna ay saluug ka muujinayaan hab dhismiskeeda dowladda cusub.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May, taas oo mar labaad xilka madaxweynaha loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

 

 

 

 

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleXildhibaan Xusul oo Go.aan kale kaso saray Hadalkiisa Dooda badan Ka Dhalatay macawislayda uu ku Duray
Next articleDeni oo aan wali Soo Gaarin Muqdisho Xili maantay Shirka Wadatashi Qaran uu Furmaayo(Xog)