Home Wararka Maanta Laftafareen oo Maantay Sameeyey Dhoolatus Wayn Xili Mooshino Culus la Diyaariyay(Sawiro)

Laftafareen oo Maantay Sameeyey Dhoolatus Wayn Xili Mooshino Culus la Diyaariyay(Sawiro)

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta saameeyay dhoolatus siyaasadeed oo aad u weyn, kadib markii uu xildhibaanada labada Aqal ee BFS ee kasoo jeeda maamulkaas uu ugu yeeray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Laftagareen ayaa hal mar xafiiskiisa ku qaabilay dhammaan xildhibaanada labada Gole ee  Koonfur Galbeed  ku metalaBaarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu ku casuumay Xarunta Madaxtooyada oo uu si qurux badan u dhisay.

Ujeedka ayaa ahaa inuu kala tashado xaaladda cakiran ee maamulkaas oo ay isugu darsoomeen xaalado siyaasadeed, kuwa bani’aadanimo iyo dagaalka Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo ay shaaciysay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Lafta Gareen uu xildhibaanada kala hadlay saddex arrimood oo kala ah, fatahaadaha ku dhuftay maamulkaasi, arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashada iyo dagaalka Al-Shabaab

Ad
Previous articleWasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo uga qeybgalay London shirka Maalgashiga ee Soomaaliya(Sawiro)
Next articleDal Yurb ku yaalla oo muslimiinta ku nool ugu baaqay in Israa’iil garab istaagaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here