Home Wararka Maanta Labaatameeyo Askari oo lagu la’yahay daadad ka dhashay Roobab xooggan

Labaatameeyo Askari oo lagu la’yahay daadad ka dhashay Roobab xooggan

0

Ugu yaraan 23 Askari ayaa lagu la’ yahay Daad xooggan oo ku dhuftay Gobalka Buuraleyda ee Sikkim ee W/Bari ee dalkaasi Hindiya.

Waxaa kaloo la la’ yahay dhowr Gaadiidka Milliteriga, waxaana socda Baaritaanka Askarta la la’ yahay Raqdooda iyo Ruuxoodaba.

Masiibadaasi ayaa waxay ka dhacday Dhulka Fog ee kaabiga ku haya xuduudka ay India la wadaagto dalka Nepal, Luna hareeraysan Buurta Saddexaad ee ugu dheer Caalamka ee Kangchenjunga Mountain.

Si kastaba, Daadadka soo rogmada waa ka caadi dalka India marka la gaaro xilliga roobabka Mansuumka, iyadoo bishan October ay da’aan roobabka ugu xoogan ee Xilliga Mansuumka oo bilowda bishii June ee la soo dhaafay.

Ad
Previous articleDiyaaradaha Dagaalka oo Duqayn Culus Goordhow ka Fuliyay Shabeeloow iyo Ciidamada Galmudug oo khasaaro kasoo Gaaray Duqaymahaas
Next articleSida go’aanka Sacuudiga ku joojiyay dhoofka xoolaha u saameyn doono dhaqaalaha Soomaalida?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here