Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Laba kursi oo adag maantay lagu Dooranaayo Baladweyne Kadib Dhowr mar oo...

Laba kursi oo adag maantay lagu Dooranaayo Baladweyne Kadib Dhowr mar oo Dib loo Dhigay

0

Magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta lagu qabanayaa doorashada laba kamid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadooda tahay gobolka Hiiraan, mid kamid ah kuraastan ayaa tartan adag loo gali doonaa.

Qorshaha waxa uu ahaa in doorashada labadan kursi ay dhacdo xalay balse waxaa la sheegay mar danbe in dib u dhac uu ku yimid sababo lagu sheegay waqtiga oo xili danbe la gaaray iyo kursi kamid ah oo ku dhowaad 10 ruux ay ku tartamayaan.

Guddiga doorashooyinka Hirshabelle ayaa Isniintii shahaadada musharaxnimo siiyay 12 qof oo u sharaxan labadan kursi, hal kursi ayey ku tartami doonaan 10 musharax, halka midka kalena ay ku tartami doonaan laba musharax oo kaliya, kuraasta la dooranayo ayaa kala ah;

1:Kursiga Hop#063 oo ay ku tartami doonaan Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirkii hore ee Waxbarashada oo kursigaan ku fadhiya iyo 9 musharrax oo kale oo ay kujiraan, Xoghayaha Maamulka G/ Banaadir Xiireey, Xildhibaan hore Ibraahim Xabeeb iyo musharrixiin kale.

2: Kursiga labaad ee Hop#011 ayaa waxaa ku tartami doona Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo kursigaan ku fadhiya iyo Maxamed Cumar Maxamed.

Hirshabelle ayaa dadaal galineysa sidii ay doorashada u dadajin leheyd waxaana ku harsan 13 kursi, kuwaasoo kala yaala deegaan doorashada koowaad Jowhar iyo Beeldweyn oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkan, iyadoo doorashada maanta ku soo aadeyso xili SEIT Hirshabelle yeeshay gudoomiye cusub

Ad
Previous articleMadaxweyne QoorQoor oo isugu Yeeray Xildhibaanada Cusub ee laga Soo Doortay Galmudug
Next articleCiidamada Booliska iyo Nabad Sugida Galmudug oo Howlgal Culus ka Fuliyay Wadada Xariirisa Hobyo iyo Gaalkacyo oo Cabasho Xoogan ka jirtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here