Home Wararka Maanta Laba diyaaradood oo maalin gudaheed ku burburay deegaan ka tirsan…..

Laba diyaaradood oo maalin gudaheed ku burburay deegaan ka tirsan…..

0

Waxaa magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya shalay ku burburay laba diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca.

Labadaas diyaaradood ayaa mid waxay gargaar u siday shacabka ku nool degmada Buna ee Waqooyiga magaalada Wajeer, kuwaas oo ay saameeyeen roobab xooggan oo halkaas ka da’ay.

Diyaaradda gargaarka siday nooca Mi17 oo ay leeyihiin milatariga dalka ayaa dhacday daqiiqado yar ka dib markii ay hawada gashay. Dhaawac ayaa soo gaaray dadkii saarnaa diyaaradda waxaana loola cararay isbitaalka.

Diyaaradda labaad ayaa waxay ku burburtay garoonka diyaaradaha Wajeer xili ay ku sii jeedday deegaanka Arbajahan si ay u soo daad gureyso arday ku xayirnaa halkaas oo uu roob ka da’ay.

Saddex qof ayuu dhaawac ka soo gaaray shilkaas.

Ad
Previous articleDowladda Koonfur Afrika oo ugu baaqday maxkamadda dambiya caalamiga ah ee ICC in ay soo xirto Ra’isul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu
Next articleFaahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ay xalay ciidanka xasillinta caasimadda Muqdisho ka Sameeyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here