Home Wararka Maanta Kuuriyadda Waqooyi oo tijaabisay gantaal Hor leh Xili maraykanka Xiisad Culus kala...

Kuuriyadda Waqooyi oo tijaabisay gantaal Hor leh Xili maraykanka Xiisad Culus kala Dhaxayso(Sawiro)

0

Kuuriyadda Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal ballatic ah, iyadoo ka jawaabaysa dhuula-tus malatari oo ay si wada jir ah xadka uga samaynayaan Kuuriyadda Koonfureed, Japan iyo Maraykanka, waana gantaalkii 41-aad ee ay ridday sannadkan 2022.

Kuuriyada Waqooyiayaa waxay dhoola-tusyada wada jirka ah u aragtaa qorsheynta duulaan, waxayna qaadaysaa “tallaabo militari oo xooggan”.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale ku guuleysatay tijaabinta labo gantaal oo istiraatiiji ah oo riddada dheer Arbacadii, iyadoo hogaamiye, Kim Jong-Un uu si shaqsi ah u hagayay tijaabada.

Waxaa jira walaac isa soo taraya oo laga qabo in Kuuriyada Waqooyi ay mar kale sameyso tijaabooyinka nukliyeerka iyadoo ay sii xumaaneyso gacanka Kuuriya.

Ad