Home Wararka Caalamka Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gabtaal kale oo Xawaarihiisu Sareeyo

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gabtaal kale oo Xawaarihiisu Sareeyo

0

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay ku andacootay inay tijaabisay “gantaal xawaarihiisu uu aad u sarreeyo”, kaas oo ay ku dhawaaqday inuu yahay mid ka mid yahay “shanta ugu muhiimsan” hannaanka hubka cusub ee ku jira qorshaheeda milateri ee shanta sanadood ee soo socota.

Waa tallaaba kale oo muujinaysa hannaanka tiknoloojiyadda hubka ee sii kobcaya ee Pyongyang, xilli ay saaran tahay cunaqabatayn caalami ah oo adag.

Tijaabada gantaalkii shalay ayaa waxaa cambaareeyay Mareykanka kaas oo Kuuriyada Waqooyi ugu baaqay inay dib ugu soo laabato miiska wadahadalka. Magaalada Seoul.

Warbaahinta dawladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku tilmaantay gantaalka cusub ee xawaarihiiisu dheereeyo inuu yahay “hub istaraatiiji ah”, oo badanaa macaneheedu yahay in gantaalka leedahay awood nukliyeer.

Warbixintu waxay sheegatay in sameynta nidaamkan cusub uu ahaa mudnaanta koowaad iyadoo tijaabintiisuna ay xaqiijisay waaxda xakamaynta maraakiibta iyo xasilloonida gantaalalda ee xukuumadda Pyonyang.

Hoggaamiyaha Kim Jong Un ayaa bishii Janaayo khudbad uu jeediyay ku sheegay liiska hubka uu doonayo in dalkiisa uu sameysto waxaana ka mid ahaa gantaalkan xaawaarihiisu dheereeya ee ay haatan tijaabisay

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleDoorashada Aqalka sare imisa Qof Ayaa xigi doontaa ?
Next articlePuntland oo lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Badda Maamulkaasi