Home Wararka Maanta Wararka Koonfur Galbeed Kursigii uu Ku Fadhiyay C/Wali Muudeey oo Lagu Doortay Baraawe

Kursigii uu Ku Fadhiyay C/Wali Muudeey oo Lagu Doortay Baraawe

0

Waxaa saakay magaalada Baraawe ee caasimadda rasmiga ah ee Koonfur Galbeed ka socota doorashada kuraasta xildhibaanada gollaha shacabka gaar ahaan kuwa loo qorsheeyay in magaaladaasi lagu doorto.

Magaalada Baraawe ayaana maanta iyo beri lagu dooranayaa ilaa 13-kursi oo kamid noqonaya gollaha shacabka, waxaana kurasatan noqonayaan kuwii ugu dambeeyay ee lagu doorto magaalada Baraawe.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP145 uu horey ugu fadhiyay guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee baarlamaanka federaalka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey dhawwaana loo diiday in uu u tartamo ayaa goordhaw loo doortay Xildhibaan cusub.

Ad