Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Kursigii Dhawaan lagu Celiyay Koonfurgalbeed oo Markii Xildhibaankii loo Diiday kuso Baxay

Kursigii Dhawaan lagu Celiyay Koonfurgalbeed oo Markii Xildhibaankii loo Diiday kuso Baxay

0

Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ka dhacday doorashada kursiga Hop#154 , oo kamid ah labada kursi ay guddiga doorashada laaleen natiijada doorashadooda.

Kursiga Hop154 ayaa mar kale waxaa ku guuleesatay xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla oo loo xiray, waxaana doorashada kursiga uga tanaasushat musharaxii la tartamaysay oo horey iyadu usoo qoratay Xildhibaanada.

Xildhibaan Sareeda ayaa la filayaa in si deg deg ah usoo gaarto magaalada Muqdisho ayna qaadato shahaadada Xildhibaanimo kaddibna la dhaariyo si ay uga mid noqoto xildhibaanada gollaha shacabka ee dooranaya guddoonka gollaha shacabka.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa oggolaaday in doorashada kursigan lagu laabto halka uu diiday in lagu laabto doorashada labo kursi kale oo horey guddiga doorashada natiijadooda u laaleen, kuwaa oo markii dambe la fasaxay.

Kursiga Hop154 maanta hadii la doorto waxaa soo hari doono kursigii uu kusoo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo isna laaleen guddiga doorashada, lamana oga xilliga la qaban doono doorashada kursigaasi.

Ad
Previous articleKu dhawaad 20 Musharax oo u U Tartamaysa Gudoomiyaasha Labada Aqal oo Shahaadada qaatay(Akhriso Magacyada)
Next articleGolaha Wasiirada Puntland oo Shir Deg Deg ah isugu Yimid iyo Axmed Karaash Shir Gudoomiyay Xili uu ku Dhawaaqay Inuu noqday Madaxweynaha puntland(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here