Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Kursiga ugu adag ee Baladweyne Ku Haray oo Axada La Dooran Doono.

Kursiga ugu adag ee Baladweyne Ku Haray oo Axada La Dooran Doono.

0

Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa shaaciyay jadwalka kursiga ugu adag ee ku haray Beledweyne, kaasi oo doorashadiisa la qabanayo maalinta Axada ee 27-ka Bishaan Maarso.

Kursigan oo tirsigiisu yahay HOP#058 ayaa waxa hadda ku fadhiya Xildhibaan Nuur Iidow Beyle, waxaana u sharaxan xubno uu ugu cadcad yahay Agaasimihii hore ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Sida la fahamsan yahay waxaa kursigaan dib loogu dhigay inuu yahay midka ugu adag ee la isku hayo cidda ku guuleysan laheyd, maadama ay adag tahay in cid gaar ah loo xiro.

Hase yeeshe, Madaxweyne kuxigeenka HirShabelle, Yuusuf Dabageed ayaa doonaya in kursigaas uu siiyo Nuur Iidow oo isagu taageero xoogan ka haysta kooxda madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Fahad Yaasiin.

Doonista Dabageed ayaa ka hor imaneysa mowqifka uu Madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe ku wajahayo doorashada kuraasta ku dhiman maamulkiisa, kaasi oo ah in gebi ahaanba laga dhigo mid daah-furan.

Kooxda Farmaajo ayaa hore iskugu dayday inay kuraas u boobto xulafadeeda, hase yeeshe kursigaan ayaa ah mid indhaha si weyn loogu hayo, ayna adag tahay in si cad loo boobo.

Si kastaba, maamulka HirShabelle ayaa toddobaadkan soo gaba-gabeynaya kuraasta Golaha Shacabka ee taallay Beledweyne, ayada oo weli laga sugayo dhameystirka kuraasta caasimada.

Ad
Previous articleDowlada soomaaliya oo Maantay Ciidamo u Daad Guraysay Magaalo Alshabaab Go’Doomiyeen(Sawiro)
Next articleDeg Deg dagaal culus o u Dhaxeeya Ahlusuna iyo Galmudug oo Kasocda Duleedka Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here