Home Wararka Somaliya Galmudug Kuraastii u Danbaysay ee Gaalkacyo Taalay oo La Shaaciyay iyo Xili La...

Kuraastii u Danbaysay ee Gaalkacyo Taalay oo La Shaaciyay iyo Xili La Dooranaayo

0

Guddiga Doorashada heer dowlad goboleed Galmudug ayaa shaaciyay Guddiga Xulista Kuraasta ergada dooraneysa kuraasta tirsigoodu yahay HOP#018, HOP#021 iyo HOP#020 oo lagu dooranayo magaalada Gaalkacyo.

Kuraastan saddexda ah ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee lagu dooranayo deegaanada maamulka Galmudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, waxaana Galmudug kamid noqonaysaa maamulada doorashada soo gabagabeenaya xilligii lagu ballamay.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa qoraalkooda ku shaaciyay in maanta la diiwaangelinayo musharaxiinta u tartameysa saddexdan kursi, waxaana doorashada kuraastan la qabanayaa berri oo talaado ah oo ku beegan 15-ka bishan.

Ad
Previous articleRuushka oo Cawinaad Dalbaday Xili Dagaalka Ruushka uu Ku Dheeraaday
Next articleTaliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliya Oo Shahaadada Mushataxnimo xildhibaan Maantay Qaatay