Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Kuraastii u Danbaysay ee Baladweyne oo La Shaaciyay iyo Hirshabeele oo ...

Kuraastii u Danbaysay ee Baladweyne oo La Shaaciyay iyo Hirshabeele oo Xiligi loo Qabtay kusoo Gabgabayn Doonin Doorashada

0
Guddiga Maamulka doorashada Hirshabelle SEIT ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baledweyne.

Jadwalka la shaaciyay ee qabashada kuraastan oo ah 8da iyo 9ka bishan March oo ah lix maalin kahor xilliga loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada golaha Shacabka.

Kuraastan oo ah kuwa ugu dambeeya ee doorashadoodu la qorsheeyay inay ka dhacdo magaalada Beledweyne ayaa waxaa qaar ka mid ah hore ugu fadhiyay xildhibaano caan ah oo ay ka mid yihiin Cabdulaahi Goodax Barre,Daahir Amiin Jeesow,Xildhibaan Qoone iyo Xildhibaan Aamino.

 

 

Hase yeeshee guddiga doorashada Hirshabelle ayaa u muuqda mid aanan ku qaban karin waqtiga lagu ballamay in lagu dhameeyo doorashada maadaama ay dhiman yihiin illaa lix kursi oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar.

Kuraastan ayaa qaar ka mid ah waxa ka jira khilaaf xoog leh oo ay beeluhu isku haystaan gaar ahaan labada kursi ee ay hore ugu fadhiyeen Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Maxamed Abuukar Islow”Ducaale”.

Doorashada Golaha Shacabka ee ka socota dalka Soomaaliya ayaa waxaa la soo gabagabeeyay xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Waqooyi iyo xildhibaanada Beelaha banaadiriga kuwaasoo lagu doortay magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

hirshabelle oo shaacisay jadwalka doorashada 11kursi oo lagu qabanayo beledweyne

Ad
Previous articleShirkada Coastal oo Banaanka Soo Dhigtay arin ay Rooble iyo Farmaajo Qariyeen
Next articleCiidamada dalaayada Ku Booda ee Ruushaka oo Weerar Culus ku Qaaday Magaalada Kyif iyo Dagaal lagu Hoobtay ee ka Socda agaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here