Home Wararka Maanta Kumuu ahaa wiilka arooskiisa qorsheynayay ee shilka ku geeriyooday?

Kumuu ahaa wiilka arooskiisa qorsheynayay ee shilka ku geeriyooday?

0

Allaha u naxariistee waxaa shalay shil gaari ku dhintay Jaamac Faarax Nuur – wiil dhalinyaro ah oo u ballansanaa in uu aroos galo maalinta talaadada ee berri.

Wuxuu ka yimid magaalo xeebeedka Boosaaso oo uu ka shaqaynayey, wuxuuna ku wajahnaa degmada Dhudhub ee gobolka Bari si uu maalinta berri ah ugu aqal galo.

Dadka ayaa si joogta ah ulasoo xiriirayay inta uu safarka ku jiray, qaarkood way u hambalyeynayeen halka kuwa kale ay hadiyado ka sugayeen maadaama uu yahay nin ka imanaya caasimad.

Waxaa la diyaariyey aqalkii arooska, faraxad iyo raynrayn ayaa lagu sugayey, waxaana ka mid ah dadka sugayey hooyadiis, aabihiisa iyo xaaskiisa cusub Nasteexo Siciid Nuur.

Jaamac wuxuu dhankiisa soo iibiyey qaar ka mid ah adeeggii arooska, “nin adeeg sidabuu ahaa, alaabo dhan soo qaaday, marka hadba qofbaa soo wacayey, qof u hambalyeynaya iyo mid alaab ka sugayeyba,” ayuu yiri Cabdiqani.

Wuxuu dabcan si fiican u qorsheeyay maalinta ‘ugu farxadda badan noloshiisa’ balse qorshaha eebbe ayaa sidaas ka duwanaa. “Ninkaas qorshihiisu wuxuu ahaa in uu aroos galo maalinta talaadada, laakiin xukunka rabbi umbaa kasoo hor maray, isagoo waliba dharkii arooska soo gadtay oo adeeggii arooska soo gadtay oo waxba aan ka maqnayn… isaga umbaa la sugaayey alaabtu way diyaarsanayd oo aqalka waa la gaday, marka qorshuhu wuxuu ahaa manta inuu degmada yimaaddo, caawana adhiga la qalo beritana aroosku dhoco.” Cabdiqani ayaa sidaasi noo sheegay.

Cabdiqani Siciid wuxuu sheegay in ay geeridu si gaar ah u saameysay maadama uu marxuumku walaalkiis ahaa isla mar ahaantaana ay muddo soo wada shaqaynayeen, “shakhsiyan walaalkaybuu ahaa, nin wuxuu ahaa aan meel kusoo wada kornay shaqa wadaagna aan ahayn,” ayuu yiri Cabdiqani.

Dadkii sida joogatada ah u wacayey taleefankiisa gacanta ayaa loo sheegay in ninka ay soo wacayaan uu shil galay isla markaana uu ku jiro koomo, “hadba siduu qof usoo wacayey waxaa mid ka mid ah dadkii lagu yiri [ninka aad soo wacaysaani koomuu ku jiraa, nolol iyol geeribuu u dhexeeyaa,” ayuu yiri cabdiqani oo ay habro wadaag yihiin Alle haunaxariistee Jaamaca Faarax.

Kumuu ahaa Jaamac?

Sida aan kasoo xigannay ehelkiisa, Jaamac wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo dhammeeyay waxbarashada hoose dhexe illaa heer jaamacadeed. Muddadii u dambeysayna wuxuu ka shaqaynayey garoonka diyaaradaha magaalada boosaaso, “Waxbarasho waa dhameeyay, iskuulbuu ka baxay kadibna jaamacadbuu ka baxay hadana ereboodka ayuu ka shaqaynayey,” ayuu cabdiqani.

Sida uu cabdiqani sheegay, qiyaastii shanti sano ee u dambeysay wuxuu Jaamac ka shaqaynayey garoonka diyaaradaha magaalada Boosaas, wuxuuna ahaa nin markiisii u horeysay aroos galaya.

Jaamac wuxuu ahaa madi hal gabar oo kaliya ay la dhalatay, “hooyadiisna isaga iyo gabarbay dhashayba… iyo aabihiis labaduba, isaga ayaa wiil u ahaa reerka,” ayuu yiri Cabdiqani Siciid Maxamed oo ah ehelka marxuumka oo BBC-da la hadlay.

Xaaska ay asaydu fuushay iyo labada waalid ee Jaamac ayeysan noo suurta gelin in aan la hadalno maadaama ay ku jiraan xaalad naxdin ah, “wallaahi lagama sheekayn karo, reer farxad isu diyaariyay hadana murugo u taal waa dareemaysaa… maamadii shalay markii loo sheegay illaa hadda waxna ma cunayso mana hadlayso,” ayuu yiri cabdiqani. “Aabuhu xoogaa waa ka yar adagyahay balse ma hadli karo, waa dareemi kartaa guri farxad ka jirtay oo geeri usoo hoyatay.” Ayuu sii raaciyey cabdiqani Siciid maxamed.

Jaamac ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray shil uu shalay ku galay inta u dhaxaysa magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, wuxuuna ku wajahnaa degmada Dhudhub oo arooskiisa laga diyaariyey balse Alle haunaxariistee wuxuu caawa u hoyanayaa gurigiisa dhabta ah, manta ayaana la aasay.

Waxaa shilka ku dhaawacmay dhowr qof oo kale balse Jaamac oo kaliya ayaa dhaawicii u geeriyooday.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleCeel-buur oo Maanta lagu jihaystay iyo Xasan Shiikh oo Qabashada Ceelbuur Waqti Uqabtay
Next articleKuuriyada Woqooyi oo jabsatay xogta shirkadda Ruushka u samaysa gantaalada