Home Wararka Maanta Kumuu ahaa Cabdinaasir Muuse Dahable, aqoonyahankii ka shaqaynayey duullimaadyada ee Fiilada lagu...

Kumuu ahaa Cabdinaasir Muuse Dahable, aqoonyahankii ka shaqaynayey duullimaadyada ee Fiilada lagu Dilay?

0

Magaalada Muqdisho waxaa dhawaan ku geeriyooday Cabdinaasir Muuse Dahable oo ka mid ahaa hawlwadeennada hay’adda duullimaadyada rayidka ee Soomaaliya.

Geerida Cabdinaasir ayaa loo arkay mid aan caadi ahayn oo ah dil ula kac ah, welina lama aasin meydkiisa, inkasto marxuumka qoyskiisa ay codsadeen in meydka loo soo dhoofiyo si ay u duugtaan.

Dadka yaqaanna ayaa marxuumka ku sifeeyey nin si hufan u yaqaanna shaqadiisa, isagoo takhasuskiisa ku soo qaatay UK.

Xamse Maxamed Cali waa nin ay qaraabo dhow ahaayeen Marxuum Cabdinaasir Dahable, isla markaana ay iskuulka isla soo dhigteen. Wuxuu BBC uga warramay shaqsiyadda marxuumka.

Wuxuu sheegay in dabaqadda nolosha ee ay ku soo koreen isaga iyo marxuumka ay ahayd dabaqad hoose, maadaama ay isku iskuulna ahaayeen, isku meelna ku soo koreen.

“Cabdinaasir wuxuu ahaa nin akhlaaq badan oo ay dadku ka nabad galaan, sidoo kalena ma ahayn nin hadal badan, hadalkiisu wuu koobnaa, waxaanan ku sifayn karaa inuu afgaabnaa” ayuu yiri Xamse.

Wuxuu kaloo BBC uga warramay xilligii waxbarashadiisa, wuxuuna sheegay inay wax isla soo barteen.

“Isku mar ayaannu waxbarashada billownay, duruuf adag ayaanan wax ku soo baranay, ayadoo wakhtiyadaas dagaallada laga soo noqday, isagu xilligaas eedadii ayuu la joogay, Hargaysa ayuu wax ku bartay, reerkoodana Gabiley ayey deganayeen.

Wuxuu intaa ku daray inuu Cabdinaasir Dahable aad u jeclaan waxbarashada, oo uu u soo diri jiray macluumaad ku saabsan tacliinta iyo waxyaabaha internetka laga helo. Markii uu dhameeyey dugsiga hoose dhexe, sida u Xamse sheegay, wuxuu galay SOS oo ahayd iskuulada ugu sarreeya, laakin isagu kama mid noqon dadkii ku soo baxay imtixaankii loo galay.

““Wuxuu ahaa nin cayaaraha jecel, laakin ma garanayo nooca u si gaar ah u sii xiisayn jiray” ayuu yiri.

Wuxuu ku tilmaamay inuu ahaa nin ku fekeri jiray inuu dadkiisa aqoon ahaan beddelo, aqoonta uu bartayna ay dadkiisa iyo deegaankiisa gasho, “wuxuu reerkooda u ahaa indho, isagoo qoyska kaga jiray kaalin libaax, taasna waxaa ku caddaynaysa in aan marar badan ku iri ‘walaal guurso’, laakin uu isagu ka fekerayey inuu reerkooda wax u qabto”.

Xamse Maxamed cali wuxuu ka sheekeeyey markii u jaamacadda Golis dhameeyey Cabdinaasir Dahable iyo sidii uu ku helay shaqada duulista hawada oo ay u tababartay hay’adda ICAO. Wuxuu kaloo ka hadlay shaqooyinkii uu ka soo qabtay Puntland iyo Muqdisho ee duulista hawada la xiriiray, iyo deeqdii waxbarasho ee Chavening ee uu ku tegey UK.

“Inkastoo uusan si toos ah aniga iigu sheegin, misna waxaa jiray dad uu la sheekeystay marxuumka, kuwaasoo uu u sheegay in tacliintiuisa ku daro heerka PhD oo takhasuskiisa uu sii xoojiyo” ayuu yiri Xamse oo ka sheekeynayey hammiga marxuum Cabdinaasir Dahable oo ku geeriyooday da’da 32 sano.

Markii uu ka hadlayey shaqadiisa ayuu yiri “waxaan xusuustaa in asaga iyo afartameeyo kale shaqada laga ruqseeyey markii ICAO ay meesha ka baxday, kuwaasoo tababarro ay siisay hay’addu muddadii ay ka hawlgalaysay Hargaysa, isaguna dadkaas ayuu ka mid ahaa, wuxuuna ka mid ahaa kooxdii dhinaca Soomaaliya inay ka shaqeeyaan aaday, fursaddana u arkay inay u dhaanto waxa ka soo galaya, sidaa ayuuna halkaa ugu wareegay” ayuu ku joojiyey wixii u ka xusuustay xagga shaqadiisa.

Sida ay ciidanka booliska Soomaaliyeed ku sheegeen war saxaafadeed ay soo saareen, fiidnimadii 18 Febraayo ayaa “saldhigga booliska ee degmada Wadajir waxaa soo gaartay xogta in meydka muwaadin uu yaallo gurigii uu degganaa oo ku yaalla waaxda jeneraal Daa’uud, gaar ahaan xaafadda ceel qalow”.

Ilaa hadda lama oga sababta geerida Cabdinaasir Muuse Dahable, waxaana baaritaanka arrintaas gacanta ku haya ciidanka booliska, ayado meydka marxuumka aan weli la duugin.

Ad
Previous articleHeshiiska Turkiga iyo Soomaaliya saameyn maku yeelan karaa kii is afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland?
Next articleTurkiga oo ka hadlay sababta ay heshiiska ula galeen Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here