Home Wararka Maanta Kulankii Baarlamaanka labada aqal oo Maantay Codka Ugu Qaadi lahayeen P.M Xamse...

Kulankii Baarlamaanka labada aqal oo Maantay Codka Ugu Qaadi lahayeen P.M Xamse oo markale baaqday

0

Kulankii la filayey inay maanta yeeshaan baarlamaanka Federaalka ee codka kalsoonida loogu qaadi lahaa ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo ay saameyn ku yeesheen laba arrimood.

Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa kulamo kala gaara la yeeshay xildhibaannada Baarlamaanka, isagoo ka codsaday inay kalsoonidooda siiyaan, wuxuuna heystaa ballanqaadyo badan, balse waxaa kulanka dib u dhigay arrimo farsamo.

Arrimaha ee kulanka dib u dhigay ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ugu maqan dalka Imaaraadka Carabta oo socdaalkiisa oo laba maalmood loogu talo-galay uu hadda gaaray maalintii saddexaad, iyadoo aan la ogeyn xilliga uu dhammaan doono.

Waxaa sidoo kale safar ku maqaan guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo arrimo qoys u jooga dalka Kenya, waxaana arrintan ay saameyn kale ku yeelatay kulankii la qorsheynayey in Baarlamaanku kalsoonida ku siiyo Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi.

Caasimada Online ayaa fahansan inaysan jirin wax walaacyo kale ah oo dib u dhigay kulanka, mana jiraan wararka sheegaya inay jirto cabsi la xiriirta in ra’iisul wasaaraha magacaaban uusan taageero haysan.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa taageero buuxda ka haysta xildhibaanada labada aqal, waxaana la filayaa in cod aqlabiyad leh lagu ansixiyo, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Illaa iyo hadda ma cadda xilliga uu dalka dib ugu soo laaban doono guddoomiye Aadan Madoobe, hase yeeshee waxaa suurta-gal ah in codka kalsoonida loo qaado ra’iisul wasaaraha, ayada oo aan berri oo Khamiis ah laga gaarin, Jimcahana aanu shaqeyn baarlamanka.

 

 

Ad
Previous articleMareykanka oo xaqiijiyey in Muwaadiniin kale looga dilay Dagaalka Kasocda Ukraine
Next articleAadan Madoobe oo Ka Hadalay Xariga Shiikh Mukhtaar Rooboow