Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federalka, Dib U heshiisiinta Galmudug Warsame faarax Qeyliye ayaa Shir Gudoomiyay Kulan Looga Arinsaayay Sidii Wax Loogu Qaban lahaa Dadka Barakacyasha Ee Ku nool Deeganada Gobolka Mudug ayaa Maantay Ka qabsoomay Xarunta Dowlada hoose Degmada Gaalkacyo.
Kulankaan ayaa Waxaa ka Soo qeyb galay Gudomiyaha Maamulka Gobolka Mudug Duqa Degmada Galkacyo iyo Ku xigenkiisa Xubno sar sare Oo ka Socday Hay’adaha Local ah iyo kuwo Caalamiga ah kuwaas Oo Dadaal badan ugu Jira Sidii Wax Loogu Qaban lahaa Dadka Barakacyasha ah Ee xiligan adeg Wajahaya Xaaladaha dhanka nolosha ah.
Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug ayaa ugu Baaqay Dhaman Hay’adaha Unka inay Kaalin muuqata ka qaateen Gurmad Gaarsiinta dadka Barakacyasha ah Ee ku Dhaqanka Deeganada Gobolka Mudug.