Home Wararka Maanta Kulan Looga Hadlay Qoondada Haweenka iyo Doorashada oo Lagu qabtay dhuusamareeb

Kulan Looga Hadlay Qoondada Haweenka iyo Doorashada oo Lagu qabtay dhuusamareeb

0

Kulankan oo ay wadir usoo qaban qaabiyeen gudigga u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Wasaaradda haweenka Galmudug ayay Magaalada Dhuusamareeb kaga qayb galeen, haween ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan Galmudug, tiro musharaxiin haween ah iyo xubno ka socday ururasa Bulshada rayadka ee u dooda xuquuqda haweenka.

Ugu horeyn Ubax Xuseen Dhiblaawe, wasiirka haweenka Galmudug oo ka qayb galayaasha iyo madaxda gudigga warbixin ka siiday sida Galmudug u xaqiijineyso ka gungaarida qoondada haweenka ee ugu yaraan 30% ayaa xustay in aqalka sare xubnaha laga doortay Galmudug doorka laga siiyay haweenka ay tusaale u yihiin rajada laga qabo in Galmudug ka dhabeyso baaqyada haweenka iyo heshiisyada hore loo galey. COD

Sidoo kale qaar ka mid ah ka qayb galayaasha oo fursad loo siiyay talo bixintooda ayaa adkeeyay baaqyada ku socda madaxda Soomaalida ee ka dhabeynta qoondada haweynka tartamaya.

Axmed xassan Sadiiq oo xubin ka ah Gudigga ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ugu baaqey waxgaradka soomaaliyeed ee soo xulaya ergooyinka iyo gudiyada doorashooyinka in ay ilaaliyaan fursadaha haweenka ee ku cad heshiisyada ay hore u gaareen madaxda qaranka.

Ugu dambeyn Batuulo Sheekh Axmed Gaballe, gudoomiyaha ururka haweenka qaranka ahna gudoomiyaha Gudigga xaqiijinta qoondada matalaadda haweenka ee Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u dul istaagtey in aysan marnaba ka guddi ahaan aqbali doonin sifo walba oo haweenka lagu duudsiinayo qoondadooda.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMaanta oo kale 9 sano ka hor (10 September 2012) waxaa La doortay Xasan Sheikh Maxamuud
Next articleBooliiska Dhuusamareeb oo Gacanta ku dhigay caawa gabar La waayay Qof Damiinata