Home Wararka Maanta Kulan Gaalkacyo ku dhexmaray Galmudug iyo Puntland oo looga hadlay arimo Muhiim...

Kulan Gaalkacyo ku dhexmaray Galmudug iyo Puntland oo looga hadlay arimo Muhiim ah

0

Kulankaan oo ahaa mid looga hadlayay sii xoojinta wada shaqeynta dhanka adeegyada caafimaadka ee ay u baahan yihiin bulshadu, isla markaana daba socday kulamo mudooyinkii u danbeyay u dhaxeeyay masuuliyiinta Wasaaradaha caafimaadka Puntland iyo Galmudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Galkacyo.

Kulanka oo ay si wadjir ah u shir gudoominayeen Wasiiradda Caafimaadka Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay howl wadeeno ka socday wasaaradaha caafimaadka, Agaasimayaasha labada isbitaal ee waaweeyn ee Gaalkacyo, waxaana kulanka intiisa badan layskula soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa daboolista adeegyada caafimaad ee ay bulshada u baahan yihiin.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Galmudug Dr C/wali C/llaahi Jaamac oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa waxaa faah faahin ka bixiyay ujeedka kulanka oo tilmaamay in uu yahay mid labada wasaaradood ay uga gol leeyihiin in la sii xoojiyo wada shaqeynta dhanka adeegyada caafimaad ee ay bulshada u baahan yihiin.

Sidoo kale kulanka ayuu sheegay inuu daba socdo kulamo madaxda labada Wasaaradood ay ku yeesheen magaalada garoowe iyo magaalooyin kale oo ka tirsan kuwa dowlad gobaleedka puntland.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa isna dhankiisa xusay in lama huraan ay tahay in la xoojiyo qorshaha wada shaqeynta bahda caafimaadka Puntland iyo Galmudug oo mudooyinkii u danbeysay ay ka muuqanayeen iskaashi wanaagsan.

Ugu danbeyn labadda wasiir iyo mas’uuliyiinta ka socday qeybaha kala duwan ee Wasaaradahaasi ayaa si wadajir ah kormeer ballaaran ugu sameeyay qeybo ka mida isbitaalka weyn ee Gaalkacyo Galmudug iyo howlaha shaqo ee isbitaalku u bulshadu u hayo iyagoona warbixino la xariira xaaladaha bukaanada isbitaalka ku jira ka dhageysaty dhaqaatiirta iyo howladeenada caafimaadka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleNin Xaaskiisa ku dilay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay
Next articleSawiro: Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug oo dhagax dhigay dhismaha Wasaaradda deegaanka