Wada hadallo u dhaxeeyay labada garab ee ay kala hogaaminayaan Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahadi Guuleed ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan.
Ma jirto warqad si cad kaga soo baxayday Gudoomiyaha aqalka sare, Waxaase jirta warqad ay qorneen siyaasiinta ku dhow Gudoomiyaha ama kuwii wada hadalka ka midka aha.
Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa Hoteelka Decale shir kula qaadanaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Warar ku dhow Gudoomiyaha ayaa sheegaya in suura gal aytahay in uu qabto shir jaraa’id kulanka ka dib.
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook Mahadi Guuleed ayuu ku sheegay inuu warkaan yahay Been abuur.
Ad