Home Wararka Maanta Kulamada Golaha Shacabka oo la hakiyay iyo Sababta oo la Shaaciyay

Kulamada Golaha Shacabka oo la hakiyay iyo Sababta oo la Shaaciyay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka 23-aad ee Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka.

Kulankaan oo ajendihiisu ahaa hakinta fadhiga golaha inta lagu guda jiro gudashada acmaasha Xajka iyo fasaxa Ciidda iyo ajandeynta warbixinnada la xisaabtanka xukuumadda.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa lagu go’aamiyay in la hakiyo fadhiga Golaha laga bilaabo maalinta Sabtida ah oo ku beegan 17-Juun 2023-ka.

Fadhiga Golaha ayaa sida lagu gaaray kulankaan dib loo furi doono 5-ta Bisha Luuliyo ee sanadkaan 2023-ka, sida uu shaaciyay guddoonka golaha.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay in xukuumadda federaalka ay soo gudbiso xisaab-xirka miisaaniyadda, iyaga oo faray in ugu dambeyn 30-ka Juun soo gudbiyaan, si waafaqsan qodobka 102-aad Faqradda 1-aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka BJFS.

Shalay ayay aheyd markii Golaha uu yeeshay kalfadhiga saddexaad kulankiisa 5-aad, kaasi oo uu ajandihiisu ahaa hadal jeedinta warbixinta guddoomiyaha Golaha Shacabka kulamadii aan caadiga aheyn ee guddiga joogtada ee Golaha iyo akhrinta koowaad ee hindise-sharciyeedka howl-gabka iyo liiltirka shaqaalaha rayidka.

Kulankaas ayaa goluhu iskula qaatay in Golaha Wasiiradda mid mid loogu yeero, lana bilaabi doono todobaadyada soo aaddan su’aalooyinna lagu weeydiin doono Golaha hortooda.

Si kastaba, Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaalla dhowr ajande oo qaarkood qabyo u ah, sidoo kale shuruuc kala duwan oo kasoo gudubtay Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka, iyo weliba qorshaha wax ka bedelka Dastuurka, oo dood badan dhaliyay.

Ad
Previous articleGudoomiyhii Baarlamaanka Soonaaliland Cabdirsaaq Khaliif oo ka degay Garoowe ( Sawirro)
Next articleMaamulka Jubbaland oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Deni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here