Home Wararka Somaliya Ku xigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Dalka laga Ceyriyay

Ku xigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Dalka laga Ceyriyay

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay Ku igeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo inuu dalka uga baxo muddo todobo cisho ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku guda jiro howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo Istiraatiijiyadda Amniga.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa Persona Non-grata loogu jaray oo ah nin aan dalka laga rabin.

Simon Mulongo oo kasoo jeedda dalka Uganda ayaa ka mid ah xubnaha Midowga ee ka howlgalla Soomaaliya.

Waxyaabaha keenay in dalka laga cayriyo waxaa ka qeyb ka ah qorshaha ciidanka AMISOM ee Soomaaliya oo bilihii lasoo dhaafay muran ka taagnaa joogitaankooda Soomaaliya.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Uganda oo Codsaday in la Qabto Shir Xal loogu Raadiyo Xiisada Itoobiya
Next articleKenya oo Codsatay in xal loo helo muran xaduudeedka kala dhaxeeya Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here